Shirguddoonka Golaha Wakiillada oo dalka kusoo laabtay
Shirguddoonka Golaha Wakiillada oo dalka kusoo laabtay
“Anaga namay martiqaadin Shirkad Heshiis kula jirta Somaliland” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada
Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu weheliyo Guddoomiye-kuxigeenkiisa koowaad Cabdicasiis Maxamed Samale oo safar in ku dhow laba todobaad qaatay ugu maqnaa wadamo ka tirsan qaaradda Yurub, ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay.
Shirgudoonka Golaha Wakiillada oo gelinkii dambe ee shalay ka soo degay madaarka Hargeysa, waxa ujeedada socdaalkooda ay uga xogwaramay saxaafada Gudoomiye Ciro, waxaana uu sheegay in safarkoodu la xidhiidhay martiqaad ay ka heleen dalka Norway, isla markaana uu uga sii gudbay dalalka Jarmalka iyo Sweden.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in martiqaadka Norway ay ka heleen ay u fidisay Shirkadda Saliida ee dalkaas, halka uu dalka Jarmalkana kaga qaybgalay martiqaad uu ka helay Baarlamaanka dalkaas. Kuwaasoo uu sheegay inay u suurtagelisay inay la kulmaan masuuliyiin ka tirsan wadamada ay booqdeen iyo madaxda Baarlamaanadooda. “Safarkayagu wuxuu ahaa laba qaybood; mid wuxuu ahaa martiqaad rasmi ah oo aanu ka helay dalka Norway, kadibna Golaha oo Fasax ku jiray awgeed waxaanu ka faa’idaysanay waqtiga oo waxaanu booqanay wadamada Sweden iyo Jarmalka, kuwaasoo aanu iyagana martiqaad ka helay Baarlamaanadooda. Wadamada aanu tagnay waxaa noo suurtagashay inaanu la kulano Baarlamaanada Wadamadaas iyo Madaxda Dawladahaas, gaar ahaan Wasaaradaha Arrimaha Debada iyo Hay’adaha Kaalmada bixiya. Waxaa ugu muhiimsanayd ee aanu kala hadlaynay qaddiyadda Somaliland iyo iskaashiga Baarlamaanada Wadamadaas iyo ka Somaliland,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu.
Mar Guddoomiye Cirro wax laga waydiiyay in martiqaadka ay ku tageen Norway ay ka heleen mid ka mid ah Shirkaddaha Saliida ee Xukuumadda Somaliland heshiiska kula gashay Sahaminta iyo qodista Shidaalka, waxa uu sheegay in martiqaadkoodaasi ku koobnaa dawladda Norway, isla markaana aanay casuumin Shirkad heshiis Macdan-qodiseed kula jirta Somaliland. “Anaga namay martiqaadin Shirkad heshiis kula jirta Somaliland,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Sidoo kale, mar wax laga waydiiyay in muddadii ay ku gudo jireen safarkooda ay Madaxweyne Rayaale ku kulmeen Yurub oo uu haatan booqasho ku joogo, waxa uu sheegay in aanay Madaxweynaha ku kulmin safaradooda.
Xigasho/Ogaal