WARSAXAAFADEED Xoghayaha Xisbiga Kulmiye : Dhacdooyin Xusuus Mudan

WARSAXAAFADEED : Dhacdooyin Xusuus Mudan
Waxaa caado u noqotay Ciidamda Booliska iyo Nabbadsuggida ee Xukuumadda inay mar walba garaacid, cabudhin iyo cagajuleyn u geestaan taageerayaasha Xisbiga Kulmiye. Waxaa kaloo dhacda in lagu xareeyo saldhigyada Booliska muddo ka badan waqtiga uu sharcigu dhigayo iyo waliba iyadoo loo taxaabo Jeelasha waaweyn sida kan Mandheera iyadoo aan maxkamad lasoo taagin. Waxaa kaloo dhacda in la iska soo daayo dadka qaarkii marka ay muddo xidhnaadaan loona sheego in waxba lagu waayey.
Dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee lagula kaco madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga waxaa ugu danbeeyey kuwii lagu sameeyey maaalintii ay labada Xisbi Mucaarad sameeyeen Isu –Soo- Baxa ee bishii August 20dii 2009 halkaasoo weerar ba’an lagu qaaday goobaha qaarkood sida Laascaanod, Boorama iyo Berbera.
Waxaa la xidhay 30 qof oo ka tirsan madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Sool iyagoo sameeyey Isu Soo Bax ballaadhan oo ka dhacay magaalada Laascaanod maalinti 22 August 2009 kuwaasi oy ku jireen Guddoomiyiha Xisbiga ee Gobolka Md. Keyse Maxamd Xaaji, Guddoomiye-Xigeenka Md. Ugaas Cabdillaahi Xaaji Maxamuud, Xoghayaha Xisbiga ee Gobolka Md. Cali Cismaan Faarax
Waxaa kaloo lagu xidgay magaalda Gabiley shan haweena oo kamid ahaa dad fara badan oo isu soo bax ka sameeyey magaalada Gabiley 23 August 2009 kuwaasoo la kala yidhaahdo:- 1. Warda Daahir Maxamed 2. Nimco Maxamed Aw Aadan 3. Faaiza Xuseen Aw Aadan 4. Ayaan Muxumad Bade iyo 5. Yurub Ibraahim
Waxaa maalintii Axadii ee bishu aheyd 30 August 2009 la xidhay dad aad u fara badan oo ka tirsan taageerayaasha Xisbiga Kulmiye kuwaasoo goobjoog ka ahaa duulaankii ciidamda Boolisku ku qaadeen Xarunta Golaha Wakiilada. Waxaana kamid ahaa dadkaasi la qabqabtay: Xaaska Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaaad ee Golaha Wakiilada Marwo Fawziya Maxamad, Guddoomiye Xigeenka Golaha Dhexe ee Xisbiga Md. Maxamuud Jaamac Wadka, Guddoomiyaha Degmada 26ka Juun ee Gobolka Maroodi Jeex Jamaal Maxamed Axmad, Guddoomiye Xigeenka Beesha Bariga iyo Saaxil Md. Axmad Xasan Cali (Like), Maxamad Qaasaali oo ah Qubojoog iyo Cabdinaasir Sheekh Muxumad (Abu Shande).
Waxaa kaloo xidh iyo cagajugleyn fara badan lagu sameeyey madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga ee Gobolada Awdal iyo Saaxil.
Waxaanu cambaareynaa xadhiga iyo tacadiga loo gaysanayo madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye taaso caado u noqotay ciidamda Booliska iyo Nabadsugida. Waxaa kaloo aanu u sheegaynaa Hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka iyo kuwa ilaaliya xuquuqda dadka aan waxba galabsan inay fiiro gaara u yeeshaan xad-gudubyada ay xukuumada Somaliland kula kacayso shacabka aan dambiga laheyn. Waxaaa dastuurka Jamhuuriyada Somaliland u ogol yahay inuu muwaadinku xaq u leeyahay inuu samayn karo baannaan bax salmiya, isla markaana cabbiri karo fikirka uu qabo.
Wa Billaahi Tawfiiq,
Keyse Xasan Cige
Xoghayaha Guud ee Xisbiga
Xarunta Dhexe ee Xisbiga KULMIYE
Somaliland, Hargeysa