Hargeysa: Marxuum Axmed Xaji Bidaar oo Hore uga Tirsanaa Komishanka Doorashooyinka oo loo Sameeyey Aas Qaran

Hargeysa (Jam)- Allaah ha u naxariistee Marxuum Axmed Maxamed X. Bidaar oo hore uga tirsanaa Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa gelinkii dambe ee shalay si heer qaran ah loogu aasay magaalada Hargeysa, kadib markii uu gelinkii hore u geeriyooday xannuun kedis ah oo ku soo booday.
Marxuum Axmed Maxamed Xaaji Bidaar oo ahaa xubintii dhowaan Golaha Wakiilladu ka saareen Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa abbaaro 10:00 duhurnimo ee shalay si lama filaan ah ugu ku geeriyooday gurigiisa magaalada Hargeysa, kadib markii sida la sheegay uu wadnuhu istaagay, waxana isla gelinkii dambe ee shalay lagu aasay qubuuraha xaafadda Axmed Guray ee degmada Axmed-dhagax ee magaalada Hargeysa.
Aaska marxuumka waxa ka qaybgalay dadweyne aad u tiro iyo masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Shirguddoonka Golaha Wakiillada, Guddoomiyayaasha labada xisbi mucaarad ee UCID iyo KULMIYE Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somaliland, koox wasiiro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Daakhiliga Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Wasiirka Beeraha Aadan Axmed Cilmi Dhoolayare iyo masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan.
Masuuliyiintaas oo hadallo kooban ka jeediyey munaasibaddii aaska, waxa ay dhammaantood tacsi ugu direen qoyska, qaraabada, ehelada iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay Axmed Bidaar, iyagoo marxuumkana Alle uga baryey inuu naxariistiisii janno ka waraabiyo.
Geesta kale Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo shacbiga Somaliland oo uu uga tacsiyadeeyay geerida Marxuum Axmed Bidaar, waxaannu marxuumka Eebbe uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, dhammaan shacabka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Xigasho/ Jamhuuriya