Md Samaale: Xukuumadu Waxay Baryahanba Ku Hawlanayd Mijo xaabinta Golahan Wakiilada
Ma filayo inay dhibaato siyaasadeed ama nabadgalyo keeni karto hadiiba uu Madaxweyne Rayaale iscasilo, waayo wuxuu marayaa xili dadka intiisii badnayd wada naceen hab-siyaasadeedkiisa, isagana sucmad ugu korodha mooyaane waxay ka dhiamaysaa ma jirto sidaan qabo, markaa…..” Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Hargeysa(HWN):- Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa sheegay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, haddii uu Xilka Madaxweyne-nimo iska casilo wakhtigan siyaasadda dalku cakiran tahay in uu kasbanayo raga-nimo iyo Sharaf aanu hadda lahayn, isla markaana sumcaddiisu kor u soo kacayso. Hase ahaatee, in uu is-casilo aan laga filanaynin marka loo eego tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee isaga iyo Xukuumaddiisu ku waajaheen khilaafaadka siyaasadeed ee arrimaha doorashooyinka iyo Golayaasha Sharci-dejinta, gaar ahaan Wakiillada.
sidaana waxa uu Guddoomiye Cabdicasiis Samaale ku sheegay waraysi uu caawa isaga oo jooga Hargeysa khadka Taleefanka uu kula yeeshay Wariye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka tirsan Shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews.com Xafiiskeeda Hargeysa, oo uu wax kaga waydiiyay Warar sheegaya in Madaxweyne Rayaalaha Somaliland is-casilayo, kuwaas oo si is-daba-joog ah isu soo tarayay tan iyo Duhurkii maanta, Gole ahaan waxay kala socdaan iyo inay soo gaadheen qoraallo la xidhiidha is-casilaadda oo dhinaca Madaxtooyada uga yimi.
Md. Cabdicasiis Samaale, oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Warkaa suuqa ku jira mooyaane, wax gaar ah oo ku saabsan iscasilaada madaxweynaha ee la sheegayo oo anaga shirgudoon ahaan si rasmi ah noo soo gaadhay ma jiro. Laakiin, balaftaa suuqaba ku jirtaa waanu maqalay, ilaa xalayna hadal-hadaynteedu way jirtay, laakiin ma filayo in ay iscaislaada madaxweyne Rayaale wax ka jiraan oo kama suuro-gasho sidaan qabo, balse haduu iscasilo maanta isaga sharaf iyo sumcad bay u ahaan lahayd.”
Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiiladu Mr. Samaale, oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo yidhi, “Keliya waxaanu annagu ognahay in Madaxweynuhu golihiisa wasiirada maanta uu ugu yeedhay madaxtooyada, halkaasoo ay shir ku wada-galeen, waxaanaan filayaa in shirkaas lagaga tashanayay sidii loo meel-marin lahaa majo-xaabinta Golahan Wakiilada ee ay xukuumadu beryahanba ku hawlanayd.”
Mar uu Samaale ka jawaabayay su´aal ahayd, saamayn intee le´eg ayay Somaliland siyaasad ahaan iyo nabadgalyo ahaan ku yeelanaysaa haddii ay run noqoto hadal-haynta iscasilaadda Madaxweyne Rayaale, waxa uu yidhi, “Ma filayo inay dhibaato siyaasadeed keeni karto hadiiba uu iscasilo, waayo wuxuu marayaa xili dadka intiisii badnayd naceen hab-siyaasadeedkiisa, isagana sucmad ugu korodha mooyaane waxay ka dhiamaysaa ma jirto.”
Dhinaca kale, Masuuliyiin kala duwan oo ka mid ah Hogaamiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID, oo aan iyagana khadka Taleefanka wax kaga waydiiyay waxa ay kala socdaan xaqiiqada wararka laysla dhexmarayo ee sheegaya in Madaxweyne Rayaale is-casilayo, ayaa sheegay in hadal-haynta suuqa ku jirta wax ka badan aanay ka ogayn, hase ahaatee, wararka is-casilaadda Rayaale ku saabsani ay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay isa soo tarayeen hadal-hayntoodu. Sidaa daraadeedna ay dhawrayaan warar dhinaca Madaxtooyada ka soo baxa oo xaqiijiya ama meesha ka saara dhacdada laysla dhexmarayo. Xildhibaanno ka kala tirsan Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada Somaliland oo aan sidoo kale la xidhiidhay ayaa ii sheegay in aanay wax hadal haynta dadweynaha ka badan aanay ka ogayn Is-casilaadda Rayaale.
Isla markaana waxay Xildhibaanadaas aan la xidhiidhay xuseen in wakhtigan aanay muuqan duruuf Madaxweyne Rayaale ku qasbaysa in uu is-casilo, hase ahaatee, looga fadhiyo in uu doorashada Madaxtooyada oo dhinacyada siyaasaddu ka midaysan yihiin qaabka loo galayo ku qabto xilligii hore loogu muddeeyay ee 27-ka Bishan September ee 2009-ka oo dhawr iyo labaatan maalmood inaga xigaan.
Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo hadda lama hayo war si rasmi ah u caddaynaya in Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin Is-casilay iyo inaanu is-casilin midna oo ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada iyo Xukuumaddiisa toona, isla markaana Afhayeenka Madaxtooyada, ahna la taliyaha Madaxweyne Rayaale ee dhinaca Saxaafadda Siciid Caddaani Mooge, oo aan la xidhiidhay ayaanay ii suuragalin inaan wax war ah ka helo, ka dib markii uu iga qaban waayay Taleefankiisa gacanta oo dhawr jeer ka wacay.
Cabdifataax Ismaaciil Mursal
Xigasho/ Hadhwanaagnews.com/Office