GARABADA DHALINYARADA HEER QARAN EE LABADA XISBI UCID IYO KULMIYE War Mur-tiyeed
GARABADA DHALINYARADA HEER QARAN EE LABADA XISBI UCID IYO KULMIYE
War Mur-tiyeed
Ujeeddada shirkan jaraa’id waxay ku aroortaa falalka foosha xun, isla markaana nidaamka dawladnimo iyo anshaxaba ka durugsan ee ay xubno Xisbiga UDUB ka tirsan kula dhex jiraan Ardeyda Jaamacadaha dalka.
Sidaad la socotaan, baryahan danbe waxa socotay dhaqdhaqaaq xisbiga UDUB dabada ka riixaayey oo la rabo in lagu aasaaso urur UDUB-baysan, kuna magacaaban ururka Ardayda Jaamadaha, taas oo aanu Xisbiga KULMIYE iyo UCID ahaan u aragno gef iyo xilkasnimo daro aan loo baahneyn.
Xubnaha UDUB ee hawshan dilaaliinta ka ahaa, waxay bilaabeen hawlgal la damacsanaa in indho sarcaad loogu dhigo Ardeyda Jaamacadaha Hargeysa ku yaala. Taariikhdu markay ahayd 29 july, 2009 guriga nin la yidhaahdo Maxamed Aar, shirarkii intaas ka danbeeyey waxa lagu galay CASALOMA HOTEL, SUMMERTIME, Guriga Cali Gobonimo, GROWN, HADHWANAAG iyo kii ugu danbeeyey oo lagu qabtay SUMMERTIME.
Shirkaa UDUB-baynaa dhammaantood wax guul ahi kamay soo baxayn, sababtoo ah aqoonyahaniintii da’yarta ahaa ee ka soo qaybgalaayey, waxay ka biyo diidayeen rakhiiska ah iyo jalaafooyinka siyaasadeed ee laga lahaa kulamadaas.
Haddaba, waxaanu ognahay in markii hore la damacsanaa in Ardeyda lagu shaambadeeyo afkaar aan sal lahayn oo Xisbiyeed, isla markaana laga yeedhsiiyo weedho aanay geyin oo ka turjumaya dano shakhsiyeed, iyadoo loogu soo gabanaayo.
Ballanqaadyo dhalanteed ah oo ahaa in laga shaqaalaysiin doono hawlaha doorashooyinka ee Komishanku qaban doono, taas bedelkeedana ay suurta-geliyaan wax-is-daba marin doorasho.
Sidaas awgeed, waxa isweydiin leh ma gayaan Ardeyda Jaamacaduhu taas? Jawaabtu waa MAYA oo hadana MAYA… Ardeyda Jaamacaduhu waa kuwii cadaalada iyo wadaniyada taariikhdu qori doonto muujiyey 29 September, 2005 markii doorashadii Golaha Wakiillada la qabanaayey. Ardeyda jaamacaduhu waa kuwii gutay hawshii qaran ee baaxada lahayd ee Diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland.
Waxa kale, oo isweydiin mudan UDUB iyo Xukuumadan wakhtigu ka idlaaday ma kuwii jaamacadaha kobcin lahaabaa, Ardeyda tayeyn lahaa, isla markaana shaqo siin lahaabaa? Mise waakuwii qaybin lahaa, Xisbiyeyn lahaa ee qasi lahaabaa?
Su’aasha kale, waxay tahay UDUB ma awoodaa inay balanqaado shaqaalaysiinta
hawl-wadeenada doorashooyinka? Komishankan haatan joogaase ma yahay mid kalsooni haysta oo fulinaaya doorasho xor iyo xalaal ah oo dhinacyada oo dhami isku wada raacsan yihiin? Jawaabaha su’aalahaasi oo dhammi waa qaar aan caad saarnayn oo ay garan karto cid kasta oo caqli iyo wadaniyad leh, isla markaana dan gaara iyo xilkeedba ka xamaasad l’a.
walaalayaal, Jaamacadaha Dalku waa Hay’ado cilmi oo madax banaan, isla markaana dhex ka ah hawlaha siyaasadeed ee Qaranka.
Jaamacadaheenu waa curdin, waxaanay u baahan yihiin Siyaasad iyo taageero kobcineed, oo aan shuruudo ku xidhnayn, sidaynu la soconana waxa ka soo baxa Ardey haysata Shahaada heerka koowaad ee Bachelor Degree-ga, waxay u baahan yihiin shaqaaleysiin, rajo-gelin iyo in cududooda iyo caqligoodaba dalka looga faa’iideeyo.
Waxa ayaan daro ah, iska daa inay Xukuumadeenu taas ka fekertee, waxay tahli kari wayday inay xataa soo hor istaagto oo u xog waranto da’yartaas aqoonyahaniinta ah.
Ugu danbeyn, waxaanu si wada jir ah ugu baaqaynaa:
- In maamulada jaamacaduhu sida ugu dhakhsaha badan ula socodsiiyaan Ardeyda ay ka mas’uulka yihiin in aanay qayb ka noqon Urur ay ku lammaan yihiin ujeeddooyin gaaban oo UDUB-baysan.
- Dhalinyarada jaamiciyiinta ah, waxaanu ugu baaqaynaa inay ka fogaadaan qorshe kasta oo laf-jab ku ah magacooda iyo magaca jaamacada ay wax ka bartaanba.
- In dhaqanada baryahan danbe inagu cusub ee hormoodka ay ka yihiin madaxda Dawlada wakhtigu ka idlaaday iyo Xisbiga UDUB, kuwaas oo ay ka mid yihiin in Odayaal la soo abaabulo, damiirkoodana la siisto quud iyo qaad aan maalin dhaafsiisnayn, kuwaasoo ka caytama TV-ga Qaran ee u xuubsiibtay Xisbi gaar ah. Shakhsiyaadkaas waxa lagu naaneysaa waji ku macaash. Haddaba, waa ceeb in Ardeyda Jaamacadaha oo ah dawada keliya ee dalkani sugaayo in loo adeegsado ujeedooyin guracan.
- Sida caadiha ah, Axsaabtu way la xidhiidhi karaan dhalinyarada aqoonyahanka ah, waanay us oo bandhigi karaan barnaamijyadooda siyaasadeed, su’aalana waa laga weydiin karaa, waana laga doodi karaa. Sidaa darteed, waxaanu ugu baaqaynaa Musharaxa UDUB inuu horyimaado Ardeyda iyo dhalinyarada oo u dhiirado sida labada musharax ee kale.
- Maxamed Aarow, hore waxaanu kuugu ogeyn wareegaha wadamada Yurub ee maantana ma waxay kaa fursan weyday inaad ku sifowdo dhex-maraha Jaamacadaha Dalka, adigoo aan waliba wax khayr leh kula dhex jirin Jaamacadaha, una dillaalaya dan shakhsi.
Wa Billaahi Tawfiiq
Khadar Cabdi Muuse C/kariin Maxamed Cumar
Afhayeenka Garabka Afhayeenka Garabka
Dhalinyarad heer Qaran ee Dhalinyarada heer Qaran ee
UCID KULMIYE
