Mudane Axmed Xaji Cali Cadami Oo Ka Mid Ahaa Labadii Muashrax Ee Ka Duday Doorashadii Musharaxiinta Golaha Dhexe Ee Shirkii Burco Oo Ku Qancay Go’aankii Gudida Turxaansaarka
Faallo
Mudane Axmed xaji Cali Cadami iyo xubno gaadhaya illa 50 qof oo isugu jira xubno golaha dhexe ka tirsan iyo xubno taageeroyaal ah ayaa xalay kaga dhawaaqay magaalada Hargeysa inay si wanaagsan ugu qanacsanyihiin go’aanka ay soo gooyeen gudidii turxaansaarka ee ka tirsanayd labada dhinac oo ahaa 8 oday.
Dhamaan taageerayasha xisbiga Kulmiye ee dalka gudihiisa iyo dabadiisuba waxay si farxad leh u soo dhaweeyeen go’aanka ka soo yeedhay gudida khilaafka iyo turxaansaarka xisbiga Kulmiye. Wxaynu hore uga war qabnay in gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo iyo madaxda kale ee xisbiguba ay si fiican ugu qanceen go’aamadaas.
Waxaa go’aamadaas iyo in ay gudidu wax soo go’aamisaba ka biyo diiday 7 xubnood oo madax u yahay md Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax. Gudida turxaansaarka ayaa kalsooni buuxda loo siiyay inay soo afjaraan khilaafkan ay tirsanayeen xubno ka mid aha xisbiga.
Mudadii garta iyo garnaqsigu ka dhex socday xisbiga ayaa sababtay in dib u dhac iyo baylah fara badan ku dhacdo hawlo fara badanna oo xisbigu qabsan lahaana qabyo ka dhigay. Taageeroyaal badan ayaa noo soo diraya farimo emails ah oo ay ugu wada mahad celinaya kuna hambaliyaynayaan xubnaha labada dhinac ay khusayso oo ku qancay go’aamada gudida turxaansaarka. Taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee fariimaha soo diraya ayaa 7da xubnahood ee go’aanka diidayna ka codsanaya inay aqbalaan go’aanka turxaansaarkii shirkii golaha dhexe ee Burco.
Waxaa hada la soo gaadhay in la guda galo hawlihii xisbiga ka qabyoobay mudadii lagu dhex jiray gartii iyo garnaqsigii. Waxaa hada la soo gaadhay wakhti la isu diyaariyo hawlaha muhiimka ah ee xisbigu u furan yahay oo ah doorashooyinka sidii la isugu diyaarin lahaa. Waxaa hada la soo gaadhay wakhti la soo afjaray khilaafkii iyo turxaansaarkiiba oo aan dib loogu noqnaynin, waxaana waajib ku ah dhamaan xubnaha, taageerayaasha iyo madaxda xisbigaba inay wada iimaansadaan kuna wada qancaan go’aanka kama dambaysta ah ee gudidu soo ga’aamiyeen .
Kulmiye.org