Xaabsade Cidna Wakiil Kama Aha, Cidna Xil Uma Hayo, Ee Waa Oday Laaji Ah ” G/Ku-xigeenka Wakiillada
Hargeysa(HWN):- Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Beelah Bariga Somaliland (Harti), iyo Xildhibaano Wakiillada ka tirsan oo ay isku Beel yihiin, ayaa beeniyay in Beesha Harti diidan tahay natiijo kasta oo ka soo baxda diiwaangelintii dalka laga sameeyay, isla markaana waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay war uu Warbaahinta qaar shalay iyo maanta siiyay Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo sheegaya in Beesha harti aanay aqbalaynin natiijadii ka soo baxday Mishiinka kala shaandhaynta la diiwaangeliyayaasha.Guddoomiye Ku-xigeenka Wakiillada Md. Baashe, Axmed Cabdi Xaabsade oo ay isku beel ka soo jeedaan, waxa uu ku tilmaamay in uu yahay nin aan afka beeshiisa ku hadli kariin oo Laaji ku ah Hargeysa, kana tirsan Xisbiga dawladda ee UDUB oo uu iftiiminayo damaciisa.
Md. Baashe oo maanta mar uu Xaabsade Shir Jaraa’id ku qabtay Huteel Imperial ee Magaaladda Hargeysa, isagun ka dib Saxaafadda la hadlayay, waxa uu sheegay in Magaciisa iyo Xildhibaano badan oo kale Magacyadooda laga been abuuray oo lagu daray liis uu Xaabsade iska qortay.Waxaanu Guddoomiye Baashe oo arrintaa ka hadlayaa uu yidhi, “Waxa jira liisas jaraa’idku qoreen waxa ugu horeeya magacayga oo la yidhaahdo Baashe Maxamed Faarax oo la baahiyay iyada oo aan wax ogolaansho ah layg helin, xildhibaanadan garabkayga fadhiyaa way ku jiraan, Odayaal badan oo kalena way ku jiraan, wax wax ka jiraanna ma jirto, raggan bayaanka sita cid u wakiilatay iyo shaqo ay qabtaan oo ay u joogaan magaalada midna lama yaqaanno, beeshuna arrintan uma dhamma.”
Guddoomiye Baashe, waxa uu sheegay inay Shir Jaraa’id oo ay si balaadhan oo faahfaahsan ugaga hadlaan been abuur uu sheegay in laga sameeyay magacyadooda iyaga oo aan wax kalsooni ah laga haysanina.Mar Guddoomiye kux-geenka la waydiiyay in Xaabsade sheegay in dhammaan magacyada liiska ugu qoran uu kalsooni buuxda ka haysto, maadaama ay taasi jirto sababta ay u diidan yihiin imika, waxa uu ku jawaaabay oo uu yidhi Baashe, “Axmed Xaabsade cidna wakiil kama aha, Siyaasi Qaranka ah maaha, cidna xil uma hayo, ee waa Oday Laaji ah oo jooga Magaalada, Xisbiga UDUB ayuu ka mid yahay waxay UDUB rabto ayuun buu ka hadli karaa.”
Guddoomiye Baashe oo la sii waydiiyay macnaha uu kalmadda Laaji ee uu ku tilmaamay in uu yahay Axmed-Xaabsade, waxa uu yidhi, “Waa Laaji waxaan uga jeedaa, wax uu hayaa ma jiraan, Shalay ayuu Puntland ka yimi, meel uu ku nagaadaana ma jirto, markaa waa Laaji.”
Waxa kale oo aan Guddoomiye Ku-xigeenka Wakiillada Somaliland sii waydiiyay, haddiiba mawqifka uu Xaabsade iftiimiyay Beesha Harti ee ay ka soo jeedaan qabto oo ay danta Beeshoodu ku jirto, waxa ay ku diidayaan, waxaanu ku jawaabay, “Beesha harti ma qabto, Beesha Harti Somaliland ayay ka mid tahay, Sharci aan Somaliland ka jirinna maanta loo samayn maayo, markii diiwaangelinta la galayayna cid u diiday inay Beeshu is diiwaangeliso may jirin, cid ku qasbaysay inay is diiwaangelisaana may jirin oo beelaha kale ee Somaliland ayay ula sinayd.”
Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, Xildhibaan Xambe Gaadaweyne, Fu’aad Aadan Cadde Iyo Axmed Xaaji Cali Cadami, oo dhammaantood ka soo jeedaha Beelaha Harti, ayaa sheegay liiska Xaabsade iyo koox uu wataa ka soo buuxiyeen magacyadooda in uu yahay mid been abuur ah oo aanay raali ka ahayn, isla markaana la iska soo qortay iyaga iyo rag badan oo kale oo qaarkood dalka dibaddiisa hadda ku sugan yihiin, taasoo ay sheegeen in uu Xaabsade ku doonayo in uu Somaliland ku burburiyo, qarannimadeedana ku wiiqo, hase ahaatee, aan mid beel ku salaysan iyo mid cid kale la qabto midna ahayn, balse uu Xaabsade dano gaar u ah ku fushanayo. Sidaa daraadeedna, waxay soo jeediyeen in aan khalkhalka uu wado aan beesha iyo beela kale midna u dhag-dhigin ee laga foojignaado.
Xigasho /Hadhwanaagnews
|
|