Baaqyo Taageeraya Go’aanka Gudidii Turxaansaarka Ee Kulmiye

Baaq taageero go’aankii gudiga dhexdhexaadinta.

Gudidda Xisbiga Kulmiye ee Stockholm waxay baaq taageero ah u soo jeedineyaan go’aanka gudidda dhexdhexaadintu ku soo afjartey khilaafkii xisbiga Kulmiye dhexdiisa ka dhashey.

Waxaanu idiinku taageersanahay go’aanka aad ku soo afjarteen khilaafkii, waxaanu ku boorineynaa in labadii dhinac ee khilaafku ka dhex dhashashey ay u hogaansamaan go’aamada, wixii dhimman ee ku cayiman go’aamadana dhakhso loo fuliyo.

Waxa noo muuqata in dariiqa lagu hiigsaneyo dawlad dadka iyo dalka u daacad ah in lagu gaadheyo midnimada xisbiga kulmiye oo la adkeeyo, sidaas darteed, waa in lagu talaabsadaa hawlaha iyo tabaabusho loogu diyaar garoobeyo hawlaha balaadhan ee doorashooyinka, lagana gudbo muran aan dan u ahayn xisbiga iyo mustaqbalka S/land.

Waxaanu fileynaa in dhammanba dhinacyada go’aankani u khuseyso ay wada fahamsanyihiin in dadka iyo dalkuba u baahanyihiin badbaado dhinac kastaba ah, sidaas darteedna ay u wada guntadaan sidii looga midho dhalin lahaa rajada ummadu sugeyso mustaqbalka dhow, hadii EEBE raali ka noqdo.

Gudoomiyaha Gudidda Xisbiga Kulmiye Stockholm,

Hassan Suleiman Abdi/marayareh

Baaq taageero ah gudiga dhexdhexaadinta Kulmiye.

Sep 27 2008Goteborg(saraarnews)-Odayaasha jaaliyada somaliland goteborg sweden waxah baaq hambalyo ah halkan uga dirayaan ,guurtidii iyo xeerbeegtidii isu xilqaantay inay soo afjaraan cadhadii ka dhalatay shirkii golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ee lagu dooranayey, labada musharace ee xisbiga u metelayey

Odayaasha jaaliyadu goteborg sweden waxay ugu baaqeen in dhinacyadu u hogaansamaan go’aanka xeerbeegtida iyada oo la eegayo danta iyo maslaxada xisbiga iyo dalkaba.

magacyada odayashaa baaqa ku qornaa.

Siciid xaaji Aden jibriil.
Cali Mohamed xaaji xasan.
Ahmed ilkacase
Yuusuf Aadan subeekar
Jaamac cilmi
Aadan dheere
Siciid xaaji Aden
Keyse jaamac Faarax
Saleebaan yare
Xasan cali boodbood
Cabdi xaaji maxamed “cabdi Macal”

ilaahay dariiqa xaqa ah ha ina tuso

Waxaa Baaqyo Kale Oo Taageeraya Go’aankii Gudiga Dhexdhexaadinta Ay Naga Soo Gaadhayaan Dhamaan Laamaha Xisbiga EE East London, West London, North London , Birmingham, Cardiff,Liverpool,Bristol,Minasota,Columbus, Atlanta,Toronto, Ottawa, Edmonton, Norway, Denmark, Abudhabi, Iyo Xubno Iskood Gaar Gaar Fariimo noo soo gaadhsiinaya.

Comments are closed.