Warsaxaafadeed: u soo celin xoriyadiisa xubin ka tirsan Golaha dhexe ee Kulmiye

Warsaxaafadeed: u soo celin xoriyadiisa xubin ka tirsan Golaha dhexe ee Kulmiye
Waxa subaxnimadii hore ee 09 September, 2009, Gurigiisa lagala baxay Yuusuf Bashiir Xirsi oo ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxaana lagu xidhay Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, lamina yaqaano sababto loo xidhay.
Sidaasi darteed, Xisbiga KULMIYE waxa uu cambaaraynayaa xadhigaas lagula kacay Yuusuf Bashiir Xirsi, isla markaana waxa uu xisbigu u soo jeedinayaa inay se degdeg ah Ciidanka Boolisku xoriyadiisa muwaadinimo ugu soo celiyaan Yuusuf Bashiir Xirsi.
Wa Billaahi Tawfiiq
Md. Kayse Xasan Cige
Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE
Xarunta Dhexe ee Xisbiga KULMIYE
Somaliland, Hargeysa