Kulmiye oo ka hadlay sida adduunku u arkay xidhitaankiiu G.Wakiilada

Xisbiga KULMIYE oo ka hadlay sida bulshada caalamku u aragtay tallaabada xukuumaddu ku xidhay Golaha Wakiilada

London (Somaliland. Org). Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa shaaca ka qaaday in siyaasadda Daahir Rayaale ee xukun dheeraysiga iyo burburinta hay’adaha distooriga ah ee dalka ay bulshada caalamku maanta u aragto mid nabadgalyada Somaliland halis ku ah, kana dhigi karta goob ay ku soo gabadaan kooxaha argagixisadu.

Dr. Maxamed Cabdiilahi Cumar ayaa waraysi uu maanta bixiyay shaaca kaga qaaday in tallaabooyinka uu Daahir Rayaale qaaday ee ay ugu denbaysay is hortaagii shaqada Golaha Wakiilada ay ku abuurtay wadamada reer galbeedka ee daneeya horumarka Somaliland dareen wer-wer leh, kana baqayaan in nabadgalyada shacabka Somaliland khalkhal gasho. Isla markaana wuxuu tilmaamay in qorshaha Rayaale ee ku saabsan inuu dib u furo Golaha Wakiilada laakiin uu ku doonayo in laga joojiyo mudaharaadyada salmiga ah ee shacabku wadaan ay muujinayso in xukuumaddu wali dariiq khaldan ku socoto taladuna ka lunsan tahay.

Xoghayaha ayaa sheegay wadahadallo uu xisbigoodu arrimahan dhawaan kale  yeeshay masuulyiin ka tirsan dawladda Ingiriiska. Isagoo ka hadlaya kulamadaaasina wuxuu Xoghayuhu yidhi “dawladda Ingiriisku waxay aad uga walaacsan tahay khataraha ka iman kara weerarka iyo faragalinta ay xukuumadda Daahir Rayaale ku hayso hawlaha distooriga ah ee golaha wakiiladadu u hayo qaranka iyo sida qorshaysan ee uu Daahir Rayaale uga horyimid in dalka ay ka dhacaan doorashooyin madaxtooyo oo xor iyo xalaal ah, xilli xasilooni darro badani ka jirto mandaqadda aynu ka tirsan nahay.”

Wuxuu kaloo inta ku daray in dawladda Ingiriiska oo hormuud ka ah dawladaha daneeya arrimaha Somaliland, Daahir Rayaalena uu horeba dhagaha uga furaystay waanwaan ay ku doonayeen inay ku dajiyaan ismarinwaaga siyaasadeed ee hadda dalka jirta, ayaa waxay aad ula yaabtay talaabadan cusub ee Rayaale kaga horyimid hay’addii sharci dajinta dalka ee shacaka Somaliland soo doorteen.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE wuxuu ugu baaqay shacabka

Somaliland inay taageero la garab joogsadaan golaha wakiilada iyo xisbiyada mucaaradka ah sidii wax looga qaban lahaa talaabooyinka sharciga baalmarsan ee Daahir Rayaale ku duminayao dawladnimada Somaliland, isla markaana  ay si sharciga waafaqsan dareenkooda u muujiyaan.

Wuxuu Dr. Maxamed Cabdillahi ku wargaliyay shacabka Somaliland in haddii ay qaadaan dhaqdhaqaaqyo ay ku diidan yihiin tallaabooyinka xukuumadda ee sharciga ka baxsan iyagoo ka duulaya xuquuqda uu qaynuunku siiyay ay adduunyadu u  arki doonto dad si xilkasnimo leh u muujinaya rabitaankooda iyo xuquuqdooda, ee aan loo arkayn dad wax yeelaya nabadgalyada.

Somaliland.Org

London

Comments are closed.