Dahir Rayaale Kaahin Ayaa Shalay Ku Soo Guryo Noqday Dalka Kadib Markii Uu Todobaadyo Ku Soo Tamashlaynayay Dalalka Yurub Heshiisyo Ganacsina Uu La Soo Saxeexday Sharikado Kale Oo Bug Ah.
Faalada Maanta

Kulmiye.org- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Dahir Rayaale Kahin ayaa ku soo guryo noqday dalka shalay kadib markii safaro aanu hore loo shaacin ugu ambabaxay dalalka Yurub ta galbeed. Madaxweyne Rayaale , ayaan cidina waxba ka ogayn cidna an waxba kala socodsiin safarada qarsoodiga ah ee uu dalka kaga ambabaxo, dalalka u soo boqanayo, ujeedooyinka safarkiisa , cida martiqaadka u fidisay iyo heshiisyada qarsoodiga ah ee uu la soo galo sharikado aan ka diiwaangashanayn dalalka ay sheegtaan inay ka diiwaangashanyihiin. Madaxweyne oo safaradisa inta badan la ogaado subaxa uu dhoofayo ama in ka yar 24 saaacadood ka hor wakhtiga uu dhoofiyo ayaan wax xidhiidh ah kala yeelan laamaha dawlada ee ujeedooyinka safarkiisu khuseeyo.
Madaxweynaha Rayaale ayaa u dhaqmayay sanadihii uu dalka madaxda ka ahaa inuu iska indha tiro xeerarka iyo distorka dalka u yaala. Dahir Rayaale ayaa si qarsoodi ah heshiisyo ula galay shirikado bug ah oo illa maanta aan heshiisyadooda la hor keenin golayaasha xeer dejinta qaranka sida distoorka qaranku dhigayo. Shirikadaha bugta ah ee Dahir Rayaale la galay heshiisyada ayaan xitaa waxba aan laga ogayn waxa ay yihiin. Xeebaha jamhuuriyada Somaliland waxaa ka soo buuxsamay maraakiib lagu sheego inay yihiin kaluumaysi xaluufiyayna kaluunkii iyaga oo isticmaalaya shabakadaha dunida laga mamnuucay ee xaalufisa taranta kaluunka. Maraakibtaasi waxay dhamaan fasax ganacsi gaar ah ka wada haystaan madaxweynaha Dahir Rayaale Kahin.
Dalka Waxaa Ka jira sedex laamood oo dawlada ah kuwaas oo kala ah Baarlamanka oo la isku yidhaahdo Guurtida iyo golaha wakiilada, Maxkamadaha oo illa hada hoosyimaada Dahir Rayaale Kahin balse ay ahayd inay ka madaxbanaanaadaan iyo fulinta oo ah madaxweynaha iyo golihiisa wasiirada. Waxaa ayaan daro noqotay in maanta dawladii iyo distoorkiiba noqdeen Dahir Rayaale Kahin iyo golaha fulinta. heeshiis kasta oo xukuumadu ay la gasho cid kale waxaa distoorku dhigayaa in la hor keeno xeer dejinta si loo ansixiyo, illa hada heshiisyada xukuumada Rayaale waxay wada ahaayeen qarsoodi aan waxba lagala socon todobadii sanadood ee uu maamulka dalka madaxda ka ahaa.
Xukuumada Rayaale waxay daah dusha ka saartay xisbiyadii mucaaridka ahaa oo sida waajibku yahay ay tahay in lagala tashado lalana socodsiiyo arimaha dalka ka khuseeya.
Madaxweyne Rayaale hadaba dalkii ku soo noqay sacab iyo salaanna lagu soo dhawee, su’aashu se waxay maxaad soo qabatay, yaad la kulantay, dalalkii aad soo martay marka laga reebo Jarmalka oo aad ilkaha ka soo samaysatay dalalkaasna maxaa ku wada hadasheen, imisa heshiisna waad soo gashay? ? ? ?
Kulmiye.org