Axsaabta Mucaaradka oo wada-jir u soo saaray Warsaxaafadeed

Hargeysa (kulmiye.org)- Labada Xisbi Mucaarad ee Kulmiye iyo UCID, ayaa baaq u diray Shacabka Somaliland, Beesha Caalamka iyo saaxiibada Somaliland. waxaanay sheegeen inay soo dhawaynayaan dedaalada lagu doonayo in lagu xallilo khilaafaadka Siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Warsaxaafadeed ay wada-jir ugu saxeexan yihiin labada Guddoomiye Xisbi ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xalay laga soo saaray Hargeysa, ayaa lagaga hadlay muddada xil-haynta Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa, isla markaana waxay baaq u  jeediyeen Beesha Caalamka oo ay qayb ka yihiin Saaxiibada Somaliland.

Warsaxaafadeedkaas ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Iyadoo la tix-gelinayo duruufaha adag ee dalka ka taagan, isla markaana ay  soo dhawdahay  mudadii loo cayimay inay  doorashadu qabsoonto, Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisana xilku kage e’g yahay inay talada hayaan.

Labada  Xisbi Mucaarid ee UCID iyo KULMIYE waxay si mug leh u soo dhawaynayaan dhammaan dadaalada loogu jiro xal u helida khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira, kuwaas oo ka socda gude iyo dibedba.

Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE waxay ugu baaqayaan dadka reer Somaliland ee ku  hawlan xal-u-helidda khilaafaadka siyaasadeed ee taagan iyo dadka daneeya Somaliland nabadeeda iyo jiritaankeeda ee bulshada Caalamka, siiba saaxiibada Somaliland (Friends of Somaliland) inay dedejiyaan laban-laabaanna dedaalkooda.”

Xigasho/Somaliland.Org

Comments are closed.