Sidee Madaxweye Ku Noqdaa Kalidii Taliye? Faallo Maxamed Xaashi Cilmi

Maxamed Xaashi Cilmi
SIDEE. MADAXWEYE, KU NOQDAA KALIDI TALIYE ?
Dalkan Somaliland, ma aha sabool dadkiisii gabay, waxa se gaagixiyay maamul xumo.
Dalku, wuxu u baahan yahay; bad-baado, isbeddel maamul iyo mid fikir (Revolution), oo dhakhsa ah.
Maamulka soo socoda maxaa laga rabaa, inuu qabato? Is-bedel X iyo Y, ma aha xal. Waa in hadda, la qeexo, is-bedelka loo baahan yahay.
Waxa isbedelka la rabo suurta gelin kara. jiilka cusub; waa da’yarta, rag iyo dumar ee koobsaday; tacliin, tayo, tamar iyo tiro, ee maanta mustaqbal koodii daawaha saran yahay. Tahriib iyo aamusnaani ma ah xal.
Qaybihii hore, waxa aan ka soo waramay, maamul xumada iyo dhaqaale bur-burka dalka la baday iyo dakhliyada badan ee aan miisaaniyadda Qaranka gelin. Khasaaruhu ma yara, intaa kuma eka, ee waxa ka murugo weyn, sida loo boobayo khayraadkii badda iyo barriga ee dalka.
Waxa kaluunkii weerar ba’an ku haya, Maraakiib iyo doonyo, madaxtooyadu ku lug leedahay, oo laga leeyahay Masaar iyo Yaman, oo baddii xaalufiyay deegaankiina babi’yay. Waa waxyeelo aan muddo dheer laga soo kaban karayn. Tusaale, dawr sannadood ka hor, laashku, shan saacadood gudahood wuxu ku soo qaban jiray 1,200 kg. oo kaluun wanaagsan ah. Kharashka ku baxaana wuu yaraa, oo Baraf ma qaadan jirin, sahay uma baahnayn, shidaal badanina kuma baxayn.
Hadda, laashku wuxu maqnaadaa, shan habeen. Wuxu sii qaataa baraf, sahay, shidaal badan, wuxu la soo hoydaa 100 kg. Ma bixiso kharashka ku baxay. Waxa kale oo iyana qiyaas laga qaadan karaa; sannadkii 2006 / 2007, ganacsade kaluumayste, waxa uu soo qabtay 120,000 kg. Sannad ka bacdi 2008 / 2009, 68,000 kg. Waa hoos u dhac 43 % ah.
Khayraadka beriga ee la lunsadaa ma yara. Lacagta la qaado iyo heshiisyada lala galo shirkadaha baadha batroolka midna, golaha wasiirada iyo golaha wakiilada lama mariyo. Waxa aan soo jeedin lahaa, in guddida dhaqaalaha ee golaha wakiiladu arrimaha kaluumeysiga iyo macdanta, dabagal ku sameeyaan.
Waxa isweydiin mudan; xaqa iyo sharciga madaxtooyada u siiyay, inay la wareegto dakhliyada ka soo xerooda: Xoolaha dhoofa, Dekedaha, Haamaha Shidaalka, Lacagta laga qaado shirkadaha batroolka baadha, hantida Qaranka ee la iibiyo, kaluumaysiga, deeqda Dawladaha, lacagtii lagu iibiyay, raashinkii Camuudi ugu deeqay Ummadda JSL ee tabaalaysan. Ma kuwii raashinkii loogu deeqay xukuumadoodu ka xadi lahayd baa. Dhibaata dalka haysataa ma aha, maalka lalunsado oo qudha, ee waxa halis ku sugan jiritaankii JSL.
Bal iyana aan isu-geyno, khasaaraha dhaqaale ee sannadkii, inta uu le’eg yahay.
Shaxda 4. GUUD AHAAN, DAKHLIGA LA LUNSADO SANNADKII :
| Dakhliga la leexsado 45.5 % | $ 20,593,159 |
| Inta fara dhexdood ka baxda | $ 6,788,954 |
| Hadhaaga miisaniyadaha ave. | $ 2,657,143 |
| Dakhliga madaarada iyo $ 2 ee Waran-cadde | $ 1,687,723 |
| 2da.qiime sarrif- $, ku jirin raashinka. Ciidamada | $ 6,875,048 |
| Xoolaha dhoofa ave. Sannadkii | $ 3,094,548 |
| Haamaha shidaalka – Berbera ave. sannadkii | $ 2,000,000 |
| Dekedaha | $ 8,000,000 |
| Lacagta laga qaado shirkadaha batroolka | ? |
| Kaluumaysiga | ? |
| Hantida la iibiyo | ? |
| Caagle (shaqaale aan jirin, ee lacag lagu qaadato) | $ 8,905,172 |
| Lacagta ku lunta saacadaha aan la shaqayn, | $ 21,761,083 |
| Cashuurta berriga ee aan la ururin | $ 48,700,000 |
| Isugeyn | $131,062,830 |
SIDEE. MADAXWEYE, LA DOORTAY KU NOQDAA KALIDI TALIYE ?
Jawaabtu, waa dhaqaalahii dalka oo sida kor ku xusan madaxtooyadu ku tagrifasho. Marka koobaad, waa dhaqaalihii dadka wax loogu qaban lahaa oo la lunsaday. Marka labaad, waxa ay dhiirin gelisay in musuq-maasuqu hoos u dego, oo dhamaan saameeyo maamulka. Marka saddexaad, wuxu baabi’iyay, hayadii dabagalka; Hanti-dhawrka iyo Xeer-ilaalinta.
Dastuurka Qaranka, qodobka 37aad – 2aad; Dhismaha Qaranku wuxu ka kooban yahay, saddex waaxood oo kala ah, Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Kala xadeynta awoodaha saddexda waaxood waxay noqon doonaan sida uu Dastuurku dhigayo. Waax waliba awoodda Dastuurku u gaar yeelay way u madax bannaan tahay.
Xaaladda u dambaysa, waxa lacagta ama sida loo yaqaan “ Dhaameel” lagu baabi’iyaa awoodaha iyo Karaamada Qaranka. Waxa madaxtooyadii si badheedh ah oo aan qarsoodi lahay u laaluushtaa mudanayaal baarlamaanka ah, si ay cod kooda iyo taagera dooda u hesho. Halkaa waxa ku geeriyootay sharaftii, karaamadii ummadda.iyo sharciyaddii dalka. Waxa arrintaasi u suurta gelisay madaxweynaha, inuu ka maarmo, Dastuurkii iyo sharciyaddii dalka. Wuxu kale uu ka maarmay, inuu doorashooyinkii qabto.
Waxa wakhtii xilku, Golaha Guurtida ka dhamaaday 2006, Golayaashii Deegaamadana 2007. Madaxtooyadana 2008kii. Waxa maanta, dalka ka taliya, intaas oo aan midna sharci ku fadhiyin. Hayadda qudha ee sharciga ihi, waa Golaha Wakiilada oo markii madaxtooyadu dhaameel ku muquunin weyday u adeegsatay cudud booliis oo ka dareeriyay xafiisyadii iyo hoolkii shirarka.
Arrinta kale ee xun ee xukuumaddu ku kacday, waxa ka mid ah, dadweynihii bannaanbaxa u soo baxay, si ay taageera dooda ugu muujiyaan golaha Wakiilada ee sharci darrada xukuumaddu kula kacday. Waxa booliisku ku dilay toogasho labada inan affar iyo tobanna ku dhaawacay.
Dambigaasi xukuumaddu saaran yahay. Xorriyadda Bannaaanbuxu, waa qodob Dastuuri ah (qodob 32 – 2), oo muwaadinku xaq u leeyahay. Waa geff in booliisku shicib aan hubaysnayn rasaas ku laayo.
Waxa jawaabo u baahan; qolyahan, dhex-dhexaadinta wadaa, (Salaadiin, culimaa-uddin, aqoon yahan iyo suxufiyiin), ma shisheeyaa? Miyayna xumaha xukuumaddu dalka ka waddaa, si inoo wada khusayn? Maalka Qaranka ee madaxtooyadu tooska ula wareegtay, maxaa ka indho saabay iyaga? Dhulkii iyo daaraha la dumiyay ee Shacab-Area ee sharci darrada lagu iibiyay, lacagtiina la lunsaday, miyayna u muuqan iyaga? Dastuurka iyo sharciyada dalka ee la iska baal maray, ma wax aan iyaga khusayn baa? Maamulka aan dalka la wada gaadhsiini, ma wax ayna dareemayn baa? Shaqaalaha iyo ciidamada dulmani, ma wax ayna dereen u lahayn baa?
Mucaaridku, waxaaas oo dhan ayuu danaynaya. Waxa kale uu danaynayaa, xaaladda adag ee dadkeen ku sugan yahay sida; shaqa la’aanta, Tahriibka da’yartu ku le’anayso, biyo la’aanta, abaaraha dalka saameeyay. Dadku wuu gaajaysan yahay. Hadii xumaha ay Xukuumadu wadaa idinla xunyahay waa inaydin taageertaan dadweynaha ka dhiidhiyey.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Haashi Cilmi