Axmed Silanyo Oo Beeniyey In Rayaale Ay Maanta Kulan Fool Ka Fool Ah Isku Soo Hor Fadhiisan Doonaan

Hargeysa Septembar 17, 2009 (Haatuf)-Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa beeniyey in madaxweyne Rayaale ay kulan wadahadal maanta ku yeelan doonaan qasriga madaxtooyada, isagoo intaa ku daray in wadahadalo dhexmara ay ku xidhan yihiin inuu Rayaale fuliyo heshiisyadii hore ay isula gaadheen ee ay guddida dhexdhexaadintu ka hawl gashay khilaafkii ka dhashay muddo kordhintii lixda bilood ahayd ee golaha guurtidu u sameeyay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, isagoo dhinaca kalena Axmed Siilaanyo sheegay in guddidii ganacsatada ahayd ee dhexdhexaadinta ka gashay kulansiinta madaxweyne Rayaale uu sheegay inay mawqifkooda u gudbiyeen tilmaamayna in ixtiraam weyn ay u hayaan guddidaasi dhexdhexaadinta isu xilqaantay. Axmed Siilaanyo oo aanu xalay khadka Telephone-ka waxa kaga weydiinay wararka sheegaya in madaxweyne Rayaale ay maanta wadahadalo fool ka fool ah ay ku yeelan donaan qasriga madaxtooyada lana sheegay in guddi ganacsato ahi ay isu keeni doonto labadooda dhinac waxa arrihamaasi ka jira iyo mawqifka uu ka taagan yahay kulan wadahadal oo Rayaale dhexmara, isaga oo arrimahaasi oo ay warbaahintu todobaadkan wax ka qortay ka hadalayana waxa uu yidhi “wax kulan ah oo aanu Madaxweyne Riyaale maanta wada yeelanayno iyo cid isku kaaya geynaysa toona haba yaraatee ma jirto wax ka jira arrintaasina ma jiraan. Odayaasha fikirkaasi noo soo bandhigay oo aanu ixtiraam weyn u heynana waanu u sheegnay mawqifkayaga xisbi ahaan aanu ka taaganahay arrintaasi. Waxanu u sheegnay ilaa inta uu Riyaale ka fulinayo heshiisyadii aanu hore ugu wada gaadhnay wada hadaladayadii hore oo uu odhanayo waan fulinayaa inta ka horeysa ismana arki karno mana kulmi karno isumana tagi karno Riyaale. Sidaa darteed ilaa inta uu Riyaale u hogaansamayo qodobadii heshiis ee aanu hore isula gaadhnay wada hadaladii hore oo uu ka aqbalayo wax kulan ah oo aanu yeelanaynaa ma jirto, kulan aanu la yeelanana wxa shardi u ah fulinta qoddobadii ay berrigii nagu dhex dhexaadisay guddidii dhex dhexaadintu”.

S: Maxaa Idiinka Qorshaysan haddii golaha guurtidu Mar Saddexaad muddada xillka u kordhiso Rayaale, maadaama doorashadii madaxtooyadu dib u dhacday?

J: waa ayaan daro in maanta la yidhaahdo guurtidii baa madaxweynaha muddo u kordhinaysa, bulshada ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisuna maanta aqbali-mayso muddo kordhin waxaanuse ku kalsoonahay in golaha guurtidu ixtiraami doono heshiiskii aanu ka gaadhnay arrintaasi oo aan filayo in heshiiskaasi ay guurtidu xilkeeda ka gudan doonto una hogaansami doonto, maantana kulankii aanu la yeelanay guurtida waanu u sheegnay mawqifkayaga iyo heshiiskaas hore ee saddexda xisbi isla gaadheen-ba” sidaas ayuu yidhi Siillaanyo.

Comments are closed.