Gudoomiyayaasha sedexda xisbi qaran ee Kulmiye, Ucid iyo Udub Oo Kulan Dhexmaray
Hargeysa (Kulmiye.oorg)- Labada guddoomiye Xisbi Mucaarad ayaa maanta kulan la xidhiidha fulinta qodobada Heshiiskii dhawaan la gaadhay yeeshay Madaxweyne Rayaale.
Kulankan dhex maray Madaxweyne Rayaale iyo labada Guddoomiye Xisbi Mucaarad, ayaa inkasta oo ay dibedda ka joogeen Warbaahinta madaxa bannaan, haddana sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadu, waxa uu la xidhiidhay dhammaystirka fulinta qodobada heshiiskii dhawaan la wada saxeexay.
Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystirani wuxuu u dhignaa sidan;
Gudoomiyayaasha sedexda xisbi qaran ee Kulmiye, Ucid iyo Udub maanta oo Axad ah bishuna tahay 04/10/09 fadhi gaar ah ku yeeshay xarunta madaxtooyadda.
Gudoomiyaha xisbiga Udub Daahir Mudane Rayaale Kaahin iyo Gudoomiyayaasha labada xisbi Mucaarid Kulmiye , Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo UCID, Mudane, Faysal Cali Waraabe, waxa maanta fadhigoodaasi ay kaga wada hadleen sidii loo sii amba qaadi lahaa fulinta iyo ku dhaqanka lixdii qodob ee dhawaanta ay qalinka ku duugeen saddexda xisbi qaran, kuwaasi oo ujeedadoodu ahayd in la soo afjaro khilaafkii siyaasadeed ee dalka ka taagnaa.
Kulankaasi saddex geesoodka ah ee madaxda saddexda xisbi qaran ay madaxtooyadda ku yeesheen, waxa ay ku heshiiyeen in la dar-dar galiyo heshiisyaddii ay dhawaanta kala saxeexdeen si toos ahna wada shaqayn iyo wada tashi ay had iyo jeer u yeeshaan si dalka ay uga qabsoomaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah.
Shirkaasi oo qaatay mudo 40 minit ah waxa ay ku heshiiyeen, Daahir Riyaale Kaahin iyo Gudoomiyayaasha labada xisbi mucaarid in had iyo goor ay wada tashi joogta ah yeeshaan, waxana shirkaasi uu ku dhmaaaday is afgarad iyo jawi
fiican.”