Gudoomiyhii komishanka qaran iyo xubno kale oo iscasilay

http://i30.tinypic.com/33v2rgz.jpg

Hargeysa(Jam)- Gudoomiyihii komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Md. Jaamac Maxamed Cumar (Sweden), oo ay weheliyaan saddex xubnood oo kale oo ka mid ah xubnaha komishanka qaranka ayaa maanta magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay in ay xilkii ummadda ay u hayeen iska casileen. Jaamac Sweden waxa uu iscasilaadooda ku macneeyay in aan komishanka qaranku noqon doonin mid joogitaankiisu dib u dhac ku keeno doorashooyin dalka, sidaa daraadeedna ay iyagoo fududeynaya hirgalinta heshiiskii saddexda xisbi ay go’aan ku gaadheen in ay xilka ku wareejin doonaan marka komishan cusub dalka loo soo magacaabo.http://www.ceegaag.com/Qoraalada/2009/Feb%202009/kabawayne.jpgGudoomiyihu waxa kale oo raalligalin ka bixiyay wixii khalada ee dhacay intii ay xilka hayeen. Jaamac Sweden waxa uu carabka ku adkeeyay sida loogu baahan yahay in dib loogu noqdo natiijada diiwaangalinta oo uu sheegay in khalad badani ku jiro sixid u baahan. Waxaanu ku nuuxnuuxsaday sida ay lagama maarmaan u tahay in la saxo iyadoo hareeraha laga wada taagan yahay. Waxaanu kula taliyay xisbiyada qaranka gaar ahaan labada xisbi ee mucaaridka ahi in ay aanay ku halayn shisheeye liiska diiwaangalinta iyo sixidiisa ee ay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah looga wada tashado loona xaliyo.

Gabi ahaanba xubnihii komishanka ayaa jagaooyinkoodii u baneeyay komishanka cusub ee la soo magacaabi doono marka laga reebo Cali Maxamed Cabadale( Biikalo) oo ah xubinta xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye uu hore ugu soo magacaabay komishanka.

Dhinaca kale iscasilaadoodani waxay soo dedejin doontaa hirgalinta heshiiskii lixda lixda qoddob ka koobnaa ay wada galeen saddexda xisbi qaran. Haddaba bal la arki doonaa golayaasha qaranka iyo xisbiyada mucaaridka ahi cida ay ku soo magacaabaan komishanka qaranka, taasi oo saamayn weyn ku yeelan doonta sidii dalka looga hirgalin lahaa doorashooyin xor ah oo xalaal ah.

Jamhuuriya Online

Comments are closed.