Shir Ka Dhacay Cardiff Iyo Goaamadii Kasoo Baxay
Shir ballaadhan oo ay isugu yimaaddeen xubnaha iyo taageerayaasha labada xisbi ee mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE ee ku dhaqaan gobolka Welishka ee dalka UK ayaa lagu qabtay madaxda Welis ee Cardiff, 05/10/2009.
Shirka oo ay ka so qayb galeen dadwayne aad u tiro badan oo ka kala socday xisbiyada mucaaradka ah ee Kulmiye iyo Ucid iyo jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Cardiff waxay ujeedadiisu ahayd in lagu taageero go’aankii ay dhowaan gaadheen xisbiyada qaranku ee lagu soo afjaray khilaafaadkii ka dhex aloosnaa beryahan danbe xisbiyada mucaaridka ah iyo xukuumada talada dalka Somaliland haysa. Waxaana lagaga hadlay guud ahaan xaaladda dalku ku sugan yahay iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee dalka ka dhacay intii khilaafaadka siyaasadeed taagnaa.
Sidaa darteed, odayaasha, waxgaradka iyo aqoonyahanada qurbajoogga ah ee shirkaa ka hadlay waxay aad u bogaadiyeen shacabweynaha Somaliland ee ka dhiidhiyey dhibaatada ay dowladdu ku hayso shacabka muwaadiniinta ah iyo golayaasha dowliga ah ee ay kula kacday cabudhinta, caga-juglaynta iyo keli-talisnimada. Shirku wuxuu ugu hambalyeeyey shacbiga, gaar ahaan dadweynaha magaalada Hargeysa sidii geesinimada ahayd ee ay dareenkooda u muujiyeen, una diideen go’aamadii kelitalisnimo. Shirku wuxuu canbareeyay dhacdadi foosha xumayd ee aan hore uga dhicid Jamhuriyada Somaliland ee dhacday 12/09/2009 ee sida axmaqdarada ah Bileyska khaaska ah loogu adeegsaday shacabka fekerkooda ku cabirayey isu-soobaxa selmiga ah. Shirku wuxuu tacsi u dirayaa qoysaskii, eheladii iyo qarabadi iyo dhamaan reer somaliland oo uu ka tacsiyadaynayo geeridii naxdinta lahay ee ku timi mujaahidintii ku dhimatay dhacdada.
Shirku wuxuu si buuxda isula garawsaday in wadankii hooyo waa somalilande u baahan yahay isbedel siyaasadeed oo degdeg uga dhaca. Waxa kaloo ay sheegeen aqoonyahannada iyo waxgaradka qurbajooga ah ee shirka isugu yimi inaan indhaha laga qarsan karin dhibka ka jira waddanka, iyadoo ku nuuxnuuxsaday, isagana dabamaray in waddanka ay ragaadisey dowlad xumo, abaaro, dhaqaala xumo iyo dhalintii wadanka u soo kacaysay oo markii ay waayeen shaqo iyo cid wax u qabanaysa ku dhamaanaya badaha.
Gebagebadii shirka waxa laga soo saaray baaqyo uu u kala dirayo xisbiyada iyo golayaasha qaranka iyo shacbiweynaha Somaliland:
1. Xisbiyada Qaranka: Waxaanu ugu baaqaynaa Xisbiyada Qaranka; Heshiiska ay kala saxeexdeen ee ummaddu u wada riyaaqday waa in lagu gaadhaa doorasho xor ah oo xalaal ah, loona fuliyaa sidii lagu heshiiyay.
2. Labada Gole Baarlamaanka – Golaha Gurtida iyo Golaha Wakiillada: Golayaasha waxan ugu baqaynaa in ay ku ilaaliyaan heshiiska aay gaadheen xisbiyada qaranku, kii ka baxana ay ka qaadaan tallaabo dastuurka waafaqsan dastuurka wadanka, meelna looga soo wadajeesto.
3. Shacabka Somalailand: Shacabka Somaliland waxaan leenahay waxaad ogaataan in aad cidkasta uga awood badan tihiin wadanka siyaasiyiinta xukunka idiin haysana waa in aad la xisaabtantaan, codkiinana aad ka fiirsataan oo aad siisaan cid wax idiin qabanaysa, oo aanu codkiinu cadow idinku noqon.
4. Shirku wuxuu dhammaan waxgaradka, cuqaasha iyo culimo uwdiinka Somaliland ka codsanayaa in ay abaabul ka galaan sidii looga hortegi lahaa ama loo yarayn lahaa dhalinta waddanka ee ku dhamaatay badaha u dhaxeeya Africa iyo Yurub, isla markaana ay sameeyeen ergooyin wacyigeliya ubaxa wadanka u soo koraya.
Guul iyo Gobanimo