War Degdeg ah: KULMIYE oo ka jawaabay Qoraal M/weynuhu ku diiday xubintii ay u xuleen Komishanka
Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa maanta jawaab ka bixiyay Qoraal uu isla maanta Madaxweyne Daahir Rayaale ku soo celiyay xubintii Xisbiga KULMIYE uu u magacaabay xubnaha cusub ee Komishanka.
Qoraalkan jawaab-celinta ah oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isla markaana nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somaliland.Org, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Mudane Madaxweyne,
Tixraac warqaddaada sumaddeedu tahay JSL/M/GXK/009, ee ku taariikhaysan 10/10/09, kuna saabsan soo celinta dhinacaaga ka timi ee Xubinta Xisbiga KULMIYE u soo xulay KDQ Marwo Alhaan Maxamed Jaamac.
Haddaba, Mudane Madaxweyne, kuma hayno shuruucda dalka meel awood kuu siinaysa inaad kala shaandhaysid xubnaha loo xulayo KDQ, taasoo cidda keliya ee sharcigu awood u siiyey tahay Golaha Wakillada JSL.
Sida ku cad waraaqdaada xogta aad u cuskatay inaanay Xubintaasi (Alhaan) buuxin shuruudaha, maaha mid ku salaysan xog-ogaalnimo
Laga bilaabo Shirweynahayagii Hargeysa March, 2008, iyo kii Golaha Dhexe ee Xisbigayaga Burco August, 2008, waxa jira xubno muhiim ah oo ka mid ahaa Guddiga fulinta iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga oo ka tegay Xisbiga, kuwaas oo qaarkood Ururo furteen, qaarkoodna Xisbigaaga ku biireen, qaar kalena danohooda gaarka ah uga tageen Xubinnimadii Xisbiga, kuwaas oo ay ka mid ahayd Alhaan Maxamed Jaamac, eeg lifaaqa la socda qoraalkan.
Mudane Madaxweyne, waxaan kaa filayaa inaad ku qanci doonto qoraalkeygan.
Sidoo kale, Mudane Madaxweyne waxaan kaa rajaynayaa in laga fogaado wax kasta oo caqabad ku noqon kara habsami-u-socodka heshiiskii lixda qodob ka koobnaa.
Waxaan kaa rajaynayaa inaad Xubnaha Komishanka sida ugu dhakhsaha badan ugu gudbiso Golaha Wakiillada si ay waajibaadkooda sharci uga gutaan. “
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk