“Xukuumaddii waxay maraysaa inay kala qaybiso Mujaahidiintii dhintay”

http://www.waryatv.com/files/images/P11200991422.jpg

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xildhibaan Axmed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada, ayaa Xukukumadda ku eedeeyay inay Astaamaha Xisbiga UDUB u xidhay qaar ka mid ah dadkii maanta ka qayb-galay Xuska maalinta Shudada SNM ee 17 October oo maanta laga xusay dalka.

Xildhibaan Nacnac oo maanta Xarunta Golaha Wakiilada ugu waramay Warbaahinta qaarkood, wuxuu sheegay in Xukuumaddu qaybisay xuskii Mujaahidiinta dalka, isla markaana ay dadka qaarkood u xidhay Calanka Xisbiga UDUB ee talada haya. “Waa maalintii Shudada ee la xusayay Raggii dalkan u soo halgamay ee u soo dhintay ee intii dhimatay Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo, Umadda reer Somaliland iyo intii kale ee ka naxaysana samir iyo iimaan ha ka siiyo. Sidoo kale, intii dalka u soo halgantay ee waalan ee Suuqyada dhex joogana, Ilaahay Caafimaad ha siiyo. “ ayuu yidhi Nacnac, waxaaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaan ka xumahay in saaka markii ay Jidka marayeen dadku, ayaan arkay qaar xidhan Shaadhadh iyo Dhar akhtar ama cagaar ah. markii aan idhi, maxay ahaayeen-na, waxa lay sheegay inay UDUB yihiin. Markaa waa wax lala yaabo in maanta la kala qaybiyo dadkii soo halgamay iyo halgankii dalka loo soo maray. Waxyaabaha uu maamulkani ku dhaqmayo ayay ka mid tahay in dadkii noolaa uu kala qaybiyo, balse maanta wuxuu kala qaybiyay Mujaahidiintii dhintay oo uu yidhi, kuwan ayaa UDUB ah oo UDUB u dhintay. Waana ayaan-darro. Waxaanu leenahay, kala-qaybin laydiinkama baahna ee waxa laydiinka baahan yahay in aad wax u qabataan Umaddii ay ka tageen Mujaahidiintii shahiiday.”

Xildhibaanku wuxuu sheegay in ay dayacan yihiin maatidii ay ka dhinteen Mujaahidiintii u soo halgamay dib-u-xorayntii Somaliland. Waxaanu xusay in Xukuumaddu ay kaalinteedii kaga beegganayd ay gabtay.  Waxaanu ku baaqay in wax la taro dadka ay ka tageen Mujaahidiintii SNM.

Somaliland.Org

Comments are closed.