War degdeg ah: Xisbiga KULMIYE oo bedelay xubintii uu hore ugu magacaabay Komishanka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xubintii saddexda jeer uu soo celiyay Madaxweyne Rayaale ee uu hore Xisbiga KULMIYE ugu magacaabay Komishanka cusub Ilhaan Maxamed Jaamac, ayaa maanta shaaca ka qaaday inay iska casishay xilkaas, islamarkaana ay ka tanaasushay. Halka Xisbiga KULMIYE uu isla maanta xubin kale oo cusub ku bedelay Ilhaan.

Ilhaan Maxamed Jaamac oo maanta Warbaahinta ugu warantay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegtay in ka dib markii Madaxweyne Rayaale ku celceliyay inay xil ka hayso Xisbiga KULMIYE, kaas oo ay sheegtay inay iska casishay 9/9/2008, isla markaana Guddoomiyaha KULMIYE ka aqbalay 14/9/2008, ay go’aansatay inay ka tanaasusho jagadii Xubinimada Komishanka ee uu Xisbiga KULMIYE u magacaabay.

Dhinaca kale, sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayuu xubin cusub u magacaabay Komishanka.

Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystiran oo Somaliland.Org soo gaadhay, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“KU:  MD. DAAHIR RAYAALE KAAHIN

MADAXWEYNAHA JSL

HARGEYSA

UJEEDDO: BUUXINTA XUBINTA KOMISHANKA DOORASHOOYINKA QARANKA  EE XISBIGA KULMIYE

Mudane Madaxweyne,

Tix-raac qoraalka summadiisu tahay JSL/M/GXK/009-1807/102009, ee ku taariikhaysnaa 17/10/09, waxa aan halkan kuugu soo gudbinayaa bedalaadii aad naga codsatay ee xubintayada Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxaanuna u soo xulnay xubintaasi Md. Cali-khadar Xasan Cismaan.

Waxaanu mar labaad kaa rajaynaynaa inaad xubintaas u gudbin doonto Golaha Wakiillada, si ay waajibaadkooda uga gutaan.

Wa Billaahi Tawfiiq

Md. Axmed Maxamed Siilanyo

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.”

Comments are closed.