Xafladii Jaaliyada Somaliland ee Sacuudi Arabiya ku soo dhaweesay Eng. Cabdiraxman “Saylici”
Waxaa habeenkii khamiista ee bishi aheed 14ka Octber ka dhacaday Siteen Palace Hotel oo ku yaala magaalo madaxda Riyadh xafalad si heer sare loo soo agaasimay taas oo lagu soo dhaweenayeey Musharaxa jagada madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Kulmiye Mudane Cabdiraxman Saylici oo booqasho ku yimid dalka Saudi Arabia, ayaa waxa isugu yimid dadweyne tiro badan oo ka kale yimid dhamaan gobolada dalka boqortooyada Sacuudi Arabiya, waxaana si wada jir ah usoo qaban qaabiyay Ururka Dhaliyarada Somaliland ee Sacuudi Arabiya iyo jaaliyada Somaliland ee Sacuudi Arabiya.
Xaflada oo lagu bilaabay Aayado Quraanka Kariimka ah ayaa waxaa kasoo jeediyay kalmado kooban oo isgu jira soo dhaweenta martida sharafta leh iyo xaaladaha Jaaliyada iyo dareenada aay ka qabto sucdaalka dimuquraadiyada dalkooda Somaliland waxaa kalmadahaa oo aay soo jeediyeen qaar ka midaha qaban qaabayaashii xalfadan sida Mudane Axmad Cali Mahdi oo ku hadlaya magaca Wakiilka Soomaliland u fadhiya dalka Sacuudi Arabiya oo ka hadalkay sida wada jirka ah ee Jaaliyada Sacuudigu u soo dhaweeso dhamanaa wufuuda kaga timaada dalkooda hooyo yagoo aana ku kale eegin xisbi iyo beel toona, sidoo kale waxa halkaas ka soo jeediyay kalmado Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Somaliland ee Sacuudi Arabiya “SSYO” Mudane Liibaan Barre Awgaab, Mudane Axmed Xussein Ismaciil, Mudane Axmed Awoliyo oo ku hadlaya magaca jaaliyada, Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Gobolka sharqiya ee SOLCO Mudane Mustafe Axmad Kayse sidoo kale waxaa halkaas kasoo jeedyay haldalo soo dhaween ah rag badan oo odayaasha jaaliyada ka mid ah.
Intaas ka dib ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay micriphonka Eng. Cabdiraxman Saylici yadoo sacabku istaagi waayay in badan isaga oo ka waramay xaalada dalku ku sugan yahay taas oo aad loogu farxay, waxuu intaas raaciyay Eng. Saylici talo uu usoo jeediyay Jaaliyada in aay wax qabsadaan qurbaha aay joogaan taas oo uu sheegay in jaaliyadaha kale ee aan aheen dadka Somaliland oo dhami aay wax ka qabsadaan qurbaha taas oo si kaftan badan ku jiro uu dadkiisa u faray.
Eng. Waxa uu si muuqata u soo jiitay quluubta dadweynihii isugu yimid munaasabadaas kuwa taageera xisbiga kulmiye iyo kuwa aana taageerin intaba yaga oo aana kale joojin qosol iyo sacab tun midna, isga oo hadalkiisu u badnaa mid uu ku dheehan yahay galkacal badan iyo kaftan.
Intaas ka dib ayaa waxa aay dadweynihii isugu yimid munaasabadaasi aay ula kalo baxeen Eng.ka su’aalo xiiso badan oo nin walba uu u helay fursad uu si fool ka fool ah u waydiiyo waxa kasta oo uu niyada in badan ku hayeey maanta uu waaydiyo mid ka mid ah 6da nin ee Hogaanka mustaqbalka dalka ku tartamaya.
Waxaa xusid mudan in aay xafladaas kasoo qeeb galay wakiilka Xisbiga UCID Dr. Maxamed Cismaan Xaaji Xasan, iyo sidoo kale waxaa xusid mudan in xafladaasi lagu duubayeey Tvga caanka ah ee ETN TV taas oo uu ujeegaay wariye Maxd Bashiir Xadi oo aay noo sheegeen in aay kusoo bandhigi doonaan xafladaas barnaamij yada caweeska Tvga.
Gabo Gabodii waxaay dadweynihu isu daba qabsadeen sidii aay taswiiro taariikhi ah ula galaan Eng. Cabdiraxman Saylici kuwaas oo aanu qaar ka mid ah halkan idiinku soo gudbinay.
Mustafe Cali Xasan
SSYO – Xarunta Dhexe
Riyadh — KSA