Sheekh Aadan-siiro oo ka Digay Qorshe Lagu Luminayo Taariikhda Xasuuqii Somaliland

Hargeysa (Jam)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro) oo ka mid ah culimada caanka ah ee Somaliland, ayaa ka digay qorshe cusub oo lagu luminayo taariikhda dulmigii loo gaystay ummadda Somaliland iyo halgankii dib-u-xorraynta dalka.

Sheekh Aadan-siiro oo khudbad uu kaga hadlayey dulmiga iyo xaalada dalka oo Jimcihii ka jeediyey masaajidka Xawaadleh ee Hargeysa waxa uu ku eedeeyey xukuumadda Madaxweyne Rayaale inay masuul ka tahay in la abuuro taariikh cusub oo ka dhan ah xasuuqii iyo burburkii maamulkii keligii taliyihii Siyaad Barre u gaystay shacabka iyo halgankii qadhaadhaa ee loo soo maray dib-u-xorrayntii dalka, isla markaana dib loogu soo noolaynayo kacaankii Siyaad Barre iyo hoggaamiyayaashii xasuuqa gaystay.

Sheekh Aadan waxa uu rrintan sal uga dhigay barmaamuj dhawaan laga sii daayey idaacadda VOA-da laanteeda afka soomaaliga oo ku saabsanaa kacaankii Siyaad Barre, kaas oo dadkii ka hadlay ka mid ahaayeen qaar ka mid ah dambiilayaashii xasuuqa ka gaystay Somaliland, sida Cali Samatar.

“Waxaad dhegaysanayseen idaacadda VOA-da la yidhaa oo nimankii laayey ee buburiyey kumanaan iyo malaayiin ummadda ka mid ah ee raaraha dhan ku gubi jiray hebel ayaa idin soo dulmaray, oo ka leh khalad dhacay buu ahaa. Ina Saleebaan Dafle markii uu maalintii dhaweyd ka hadlayey idaacadaas 14-kii sheekh dilkoodii, ayaa markii wax laga weydiiyey aayadihii Qur’aanka ee uu beddelay Siyaad Barre, waxa uu ku leeyahay wuxuu ahaa khalad dhacay, Ilaahay baanu ka magangalnay,” ayuu yidhi Sheekh Aadan-siiro, waxaannu intaa raaciyey, “Maanta kuwa joogaa waxay samaynayaan taariikh cusub oo wixii ummaddani lahayd ee lagu jabay ee dulmi badani ka dhacay ayaa la doonayaa in taariikh cusub loo sameeyo, xitaa kuwa VOA-da sheegayaan waa kooxo cusub oo is urursaday oo taariikh cusub ummadda u samaynaya. Idaacadihii dadku lahaayeen ee xaqa u dirirayey, bal eeg maamulka maanta jira VOA-da halkan ayaa laga siiyey, kuwaa waxa kale uga sheekaynaya carruurteena wixii Hargeysa iyo Burco lagu sameeyey, waxaannu u soo joognay 50 nin oo haldoorkii ummadda ah oo iska shaqaysanaya oo mid mid loo gowracay oo cid allaale ka hadlaysaa aanay jirin, tii baa maanta inta mid wadaad ahi intuu gadh la soo baxay ayuu diin ka hadlayaa, adeer maxaad uga hadliwayday maalintii hore ee dadka la laynayey.”

Sheekh Aadan X. Maxamuud waxa uu ku eedeeyey xukuumadda Madaxweyne Rayaale inay cadaadis iyo xadhig joogto ah ku hayso warbaahinta dalka ee caalamka u bandhigi lahayd dhibaatadii dalka loo gaystay iyo dulmiga lagu hayo.

“Waar maanta ayaa idaacado la inoo samaystay la leeyahay Cali Samatar baa halyey ahaa, kuweenii ka hadli lahaana dawladdu way hortaagan tahay, inamadii iska celin lahaa ee taariikhda ka warami lahaa ee dunida u warami lahaana kuwaa ay cabudhinayso ee la leeyahay ma hadli kartaan iyo xidha, ka leh Cali Samatar iyo Siyaad Barre halyey buu ahaana halkan baa intaynu VOA-da FM u dhignay aanad Radio Hargeysa ka dhagaysan karayn. Telefishanka Horn Cable Tv wad ogtihiin waatii la xidhay, waa kuwii Somaliland difaaci lahaa, xitaa Maraykankii ayey la murmeen oo ay yidhaahdeen waar maxaanu ku cadilanahay, haddana waa kuwii maalintii dhaweyd wax bay naga sheegeen lagu xidhayey. Haddii aynu kuweena [warbaahinta] curyaamino kuwaasaa ina qabsan aad weliba tas-hiilaadka u samaynaysaan ee meel walba ka hadlaya. Waataa maanta Cali Samatar oo Maraykan joogaa ku faanayo aniga ayaa Hargeysa dumiyey oo amar madaxweyne ayey ahayd. Saddex milyan badh dad ah ayaa cid u jawaabta la waayey, kuwii u jawaabi lahaana waynu cabudhinaynaa. Markaa taariikh cusub ayaa la samaynayaa, haddii aanad gar sheegan, waxaynu awoodi kari la’nahay in xasuuqeenii qorno, taariikhdii dulmiga ee inagu dhacday ee Hargeysa iyo Burco oo dhan lagu dumiyey, dadkii la laayey iyo xabaalihii xasuuqa taariikhdoodii in aynu qorno oo aynu dunida u sheegno,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

Sheekhu waxa kale oo uu khudbadiisa kaga hadlay saddexda xisbi ee ku loollamaya talada dalka oo uu ku tilmaamay qaar dantooda mooyee aan horumarka dalka iyo shacabka midna ka shaqaynayn, isla markaana dulmi ku haya shacabka.

“Maanta saddexda xisbi ee dalka taladiisa doonaya haddaad tidhaahdo waan kaa tirsanahay, waan idin taageersanahay, idiinka idin dabagalayaa waa lagu jecelyahay, haddii aad tidhaahdo waan idin kama mid ahi ee waan toosinayaa oo ummadaan u dhexeeyaa waxaad tahay cadowgooda. Waxaana weeye sharciga ay samaysteen ee ay ummadda ku maamulayaan ayaa markiisa horeba dulmi ku dhisan.”

“Dalka gebigiisaba haddii shan qof oo Ilaahay garanaya loo dhiibo waa la masruufi lahaa dadka oo dhan, laakiin ma doonaysaan isbeddel oo reer hebel iyo magacyo beri hore la seexday ayaad ku wareegaysaan. Waxaanay inala sugayaan inta ay xoogaysanayaan kuwaa meelwalba inaga saarani intay is haystaan,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Sheekh Aadan-siiro.

Xigasho/Jamhuuriya Online

Comments are closed.