Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ee Australia Oo Shirweyne Ku Qabsaday MGalaada Sidney

See the original image at beautifulwallpapers.comAustralia(HWN):-250 xubnood oo ka mid ah jaaliyada reer Somaliland ee wadanka Australia ee taageersan xisbiga KULMIYE  ayaa doraad ka soo qaybgalay shirwaynihii kowaad ee garabka Xisbiga KULMIYE ee Australia oo lagu qabtay Magaalada Sydney ee xarunta wadankasi.

Shirweynahan oo ah kii ugu horeyay ee ay yeeshaan garabka Xisbiga KULMIYE ee AUSTRALIA  tan iyo markii la aasaasay horantii bishii ina dhaaftay ayay qodobada lagu an-sixiyay ayaa ka koobnaa sadex qodob o kala ah:-

* In shirwaynaha ururkan kulmiye ee Australia l qabto sanadkiiba mar oo ay isku yimadaan dhamaan xubnaha ku jira iyo kuwa ku soo biiraa

*In labadii biloodba ay mar xogwaran iyo dardar galinta isugu yimaadaan gudoomiyaha kuxigeenka iyo gudiga fulinta.

*In shir aan caadi ahayn la isugu yeedhi karo dhamaan xubnaha ururka iyadoon la gaadhin kal fadhigii caadiga ahaa sanadka, hadii hawlo muhiim u ah ururka, ama xisbi waynaha kulmiye  amaba qaranka s/land ay soo kordhaan oo ay dalbadaan in la isku yimaado  madaxda iyo gudiga fulint oo ay ku raacaan sadexmeelood meel tirada xubnaha  .

Waxa shirweynahaasi oo si wayn loo soo agaasimay khudbado ka jeediyay Guddoomiyaha garabka kulmiye ee Australia Mr; Mustafe Axmed Sh. Cisman Nuur, Guddoomiye ku xigeenkiisa Mr; Xasan Maxamed Halac, iyo Xoghaya qaybta SYDNEY Mr; Yuusuf Cadaani Yuusuf.waxaanay dhamaantood masuuliyiintani ku dheeradeen dar-dar galinta hawlaha xisbiga iyo horumarintiisa iyo in ay isku duubni ku waajahaan xaaladaha dalkii hooyo gudihiisa ka taagan iyo kuwa ka jira qurbaha, iyagoo isla markaana muujiyay sida ay uga go’an tahay ka midho dhalinta is-bedel dhab ah oo dalka laga sameeyo iyo sidii xisbiga kulmiye ugu guulaysan lahaa madaxtinimada doorashooyinka soo socda madaama bay yidhaahdeen uu xisbigii UDUB ee talada dalka hayay wax horumar ah dalkii gaadhsiin waayay, isla markaana uu raaggadiyay dimuqraadiyadii iyo ilihii dhaqaale ee dalku lahaa oo ay ku dhaceen jeebab ka dad gaar ah.

Sidoo kale,  Xoghaya guud ee xisbiga KULMIYE  Mr Kayse Xasan Cige oo ku sugan magaalada Hargeisa ayaa khadka talefanka magaalada Sydney kagala qayb-galay shirweynahan ay soo qaban-qaabiyeen garabkooda Australia.

Waxaanu ugu horayn ugu mahad-naqay is ku duub-naantooda iyo dedaalkooga ay ugu jiraan horumarinta himilooyinka xisbiga, isaga oo uga xoog-waramay xaaladaha siyaasadeed, dhaqan ,dhaqale iyo bulsho ee ka taagan gudaha Somaliland.

Mr. Keyse isaga oo  tilmaamay kaalinta ay qurba-joogu ka qaataan hour marinta dalkooda hooyo iyo  is-bedelada siyaasadeed ee loo baahan yahay .waxaanu kula dar daarmay inaanay ka daalin taageeradooda dhinac walba ila inta laga midho dhalinayo hadafka ah qabashada hogaanka sare ee dalka oo uu kulmiye ku guulaysto.

Australia/Sydney

Comments are closed.