Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo Dhaariyay Komishanka Cusub (SAWIRO)

Hargaysa (Halganews)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Xirsi Oomane ayaa saaka toddobada xubnood ee loo soo magacaabay Komishanka ku dhaariyay xarunta Madaxtooyadda Somaliland, waxaana xafladda dhaartu ay ka hor dhacday Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyaan labada guddoomiye ee labada xisbi mucaarid Axmed Siilaanyo iyo Feysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu toddobada xubnood mid walba gaarkiisa ugu dhaariyay inay daacad u noqonayaan diinta islaamka, dalka Somaliland, dalkiisana ku maamulayaan sinaan iyo cadaalad inta ay xilka hayaan, waxaanu sheegay inay tahay waajib Distooriya waxaanu ilaahay uga beryay inuu khayrkeeda waafajiyo.

Sample Image

Madaxweynaha Somaliland, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Gudoomiyaha KULMIYE iyo Gudoomiyaha UCID

Sample Image

Xubnaha Komishanka Doorashooyinka

Sample Image

Sample Image

Sample Image

xubnaha oo mid mid loo dhaarinayo

Madaweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo labada gudoomiyayaasha lada xisbi Mucaarid, ayaa u rajeeyay Komishanka in ilaahay u dhib yareeyo hawsha culus ee loo dhaariyay, dhexna u noqdaan tartamayaasha.

Source Somalilandnation

Comments are closed.