Xukuumada Rayaale Oo Jidka Boorame Iyo Gabiley Ciidamo Fara Badan Soo Dhigtay Si Ay Isu Hortaagaan Kulmiye
Kulmiye.org- Hargeysa, Xukuumada Daahir Rayaale ayaa ku soo rogtay bandoo madaxda iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye inay u kicitimaan safaraday ku tagayaan magaalooyinka Boorame iyo Gabiley. Xukuumada Dahir Rayaale ayaa la soo sheegay inay sas iyo baqdin fara badan ka qaaday safarada madaxda xisbiga Kulmiye. Warar sas iyo shaki ku abuuray xukuumada oo aan la garanayn meel ay ka heshay ayaa ku abuuray in maalinta ciida ka dambaysa ay madaxda xisbiga Kulmiye oo u horkacayo Gudoomiye Siilaanyo ay u socdaali doonaan magaalada Boorame. Xukuumada Daahir Rayaale ayaa ciidamo aad u fara badan oo boolis ah soo dhigtay jidadka u dhexeeya magaalooyinka Boorame iyo Hargeysa iyo magaalada Hargeysa iyo Gabiley. Hase yeeshee, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, md Axmed Maxamed Siilaanyo oo aan caawa arrintaas wax ka weydiiney ayaa sheegay in aanay jirin booqasho u qorshaysnayd isaga iyo wefti uu hoggaaminayo inay ku tagaan wakhtigan magaalada Boorame.
Waxaa isna sidaas oo kale magaalada Boorame shir jaraa’id ku qabtay xildhibaan Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiillada, kana soo baxay xisbiga KULMIYE, Xildhibaan Abiib ayaa isna shirkiisii jaraa’id ku beeniyey warkaas sheegaya in wefti ballaadhan oo ka socda xisbiga KULMIYE uu u soo jeedo dhinaca magaalada Boorame iyo in jidka laga celiyey weftigaas.
Taliyaha ciidanka Boliska Maxamed Saqadhe oo ka amar qaata Dahir Rayaale Kaahin ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo wax warbixin ahna ka bixiyo cidamadiisa faraha badan ee la dhex dhigay jidadka Hargeysa iyo magaalooyinkaas mar ay telefishanka Horn Africa Cable TV ay xidhiidh la sameeyeen.
Waxaa maanta si sharci daro ah la iskaga hortaagay safar shakhsi ah oo uu ku tagayay magaalada Gabilay Dr Maxamed Ibrahim Obolos oo ah dhakhaatiirta waawayn ee magaalada Hargeysa kana tirsan xisbiga Kulmiye. Dr Obolos oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa cadeeyay in ciidamo booliisku isku hortaageen kontroolka Hargeysa ee dhinaca Gabiley, kuwaas oo baabuurta baadhayey, isla markaana ay amar ku siiyeen inuu dib ugu noqdo Hargeysa oo aan loo ogolayn inuu dhaafo.
Dr. Obolos, waxa uu sheegay in uu isagu u socdey degmada Gebiley oo uu u tegayey arrimo qoys uu dib uga soo noqday isagoo sheegay in aanu garanayn ilaa iyo hadda sababta loo soo celiyey.
Xukuumada Daahir Rayaale ayaa u ku dhaqmaysay mudaba inay ka dhigto boliskii dalka ka wada dhexeeyay in loo isicmaalo sidii booliskii ciidamada faqashta ee dadka socotada ah ku xidhi jiray warqada dhaqdhaqaa. Inkasta oo aanay illa hada jirin socdaalo rasmi ah oo u qorshaysan madaxda xisbiga Kulmiye inay ku tagaan magaalada Boorame hadana waxaa xisbiga Kulmiye ka go’an inaanu Daahir Rayaale iyo mid kale toona u joojinayn Socdaalada sidan oo kale ah, qofna aanay isu daba taagayn marnaba. Waxaa wax lagu qoslo ah in maanta dalka gudihiisii dad muwaadiniin ah laga joojiyo xoriyadii ay ku dhaqdhaqaaqi lahaayeen, xisbiga Kulmiyana maalinta ay ka soo go’do cidna marti uga noqon maayaan safarada rasmiga ah iyo kuwa shkhsiga ahba.
Kulmiye .org