Ciidamada Qaranka Somaliland oo galay gudaha Buuhoodle.
| Ciidamada Qaranka Somaliland oo galay gudaha Buuhoodle. | ![]() |
![]() |
![]() |
| Monday, 02 November 2009 | |
Burco(Togdhnews)- Cutubyo ka mid ah ciidamada qaranka somaliland ayaa gudaha u galay magaalada buuhoodle,ka dib markii nin sheegtay inay ka dambeeyeen qaraxyadii
ka dhacay laascaanood ee uu ku dhintay taliyihii qaybbta 12aad ee ciidanka qaranku,uu ka hadlay ilaacad FM,oo ku taal halkaas.
Sida wararku sheegayaan ciidamada ayaa weeraray gurigii uu ku jiray ninkaasi,balse waxa la sheegay inuuka baxay xaga dambe,ka dib isagoo ku dhaawacmay tacshiiradihii rasaasta eelagu riday. Dadweynaha degaankaas ayaa si weyn uga cadhooday hadalka ninkani ka sheegay ilaacadaas,kaasoo ay ku tilmaameen inuu ahaa nin sheegtay waxaanu fulin,islamrkaana doonayay inuu colaad iyo dhibaato u soo jiito degaanka. Ciidamada Qaranka ayaa hada gaaf wareegaya gudaha iyo duleedka magaaladaasi. Xigasho/ TogdheerNews..Burco. |



Cutubyo ka mid ah ciidamada qaranka somaliland ayaa gudaha u galay magaalada buuhoodle,ka dib markii nin sheegtay inay ka dambeeyeen qaraxyadii