Guddoomiyaha Kulmiye oo ka hadlay amarka Xukuumaddu ku bixisay qabashada laba Wadaad

http://www.waryatv.com/files/images/P65200973952.jpgHargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in cid kasta oo nabadgelyada wax yeelaynaysa meel keli ahlooga soo wada jeesto, kana digay in cid aan dembi geysan dembi dusha looga saaro. Taas oo uu ku tilmaamay arrin cadaalada iyo nabadgelyada, xasiloonida dalka wax yeeli karta.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye,Axmed Siilaanyo waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf, xog wareysi kula yeeshay khadka Tilifoonka, waxna kaga weydiiyay mawqifkooda ku wajahan xaaladaha ka taagan magaalada Burco iyo amarka ay xukuumadda Riyaale ku doonayso inay soo qabato labada wadaad ee beryahanba ciidamada amaanku ku daba joogeen,aragti ahaan  taladiisa ku aadan qadiyadaasi ayaa isagoo arrinkaa ka hadlaya waxa uu yidhi “ Horta, waxaynu mar kasta qaran ahaan ku fiicanahay oo aynaan isku khilaafsanayn waa ilaalinta ammaanka qaranka, dawlad, axsaab iyo shacbiba, nabadgelyada ilaalinteeda waa mid aynu wada jir ahaan ka mideysanahay, waana arrinka aynu ku dhisanahay qaran ahaan waana waajib qaran oo ina wada saaran cid kastaba ha noqotee wixii nabadgelyadeena wax yeelaya inaynu meel uga soo wada jeedsano waa mid maslaxadeena iyo danteenu ay ku jirto. Taa macnaheedu maaha in dad aan waxba geysan oo wax dhibaato ah aan geysan in dembi loo sameeyo oo wax la iska saaro waa waxyaalaha caddaaladu ku lunto ee nabadgelyadana waxyeela, waxan qabaa in arrimahasi dawlad iyo wax garad reer Burco iyo guud ahaanba shacabku si taxadar leh oo degan la iskula eego oo ciddii dembi lehna la isla eego cid aan dembi lahayna dusha laga saarin, waana arrin muhiim ah oo aan ku talinayo in si miyir qab ah ay dawlada iyo waxgaradka reer Burco iskula eegaan.

S: Waxa la sheegay in masuuliyiinta maamulka dawlada iyo hay’adaha ammaanka ee gobolka Togdheer ka hawl gala khilaaf iyo wada shaqeyn la’aan dhexdooda ahi ay sababtay waajib gudasho la’aanta maamulka iyo ciidamada ammaanka ee gobolka Togdheer oo ku simaha duqa Burco uu sheegay in aanay waxba ka ogeyn hawl galkii ciidanka ee hogaanka labada qayboodna, uu sheegay in aanay ciidanku awood ay ku soo qabtaan qof tuug ah aanay lahayn, arrimahaasi siddeed u aragtaa?

J : kolleey khilaafyada iyo farsamo xumada maamul ee ka dhaca gobolada dalka iyo wada shaqeyn la’aanta ka timaada xukuumadda waxa masuuliyadeeda iska leh maamul xumada xukuumadda..

Xigasho: Haatuf

Comments are closed.