Dr. Gabboose oo talooyin u jeediyay Komishanka cusub ee Doorashada
Hargeysa (Somaliland.Org)- Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ah Madaxa Ololaha Doorashooyinka Madaxtooyada ee Xisbiga Kulmiye u qaabilsan Gobollada bariga Somaliland, ayaa talooyin u jeediyay Komishanka cusub ee Doorashada.
Dr. Gabboose oo maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in Komishanka cusub looga baahan yahay inay isku-duubnaadaan, isla markaana ku waano-qaataan khilaafkii Siyaasadeed ee hore dalka uga dhacay.
Dr. Gabboose wuxuu halkaa ka akhriyay Qoraal ka kooban 10 Qodob oo nuxurkoodu ahaa talo-siinta Komishanka cusub.
Qoraalkaas ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Tiirarka ay ku taagan tahay dimuqraadiyaddu waxa ka mid ah, inuu Hoggaanka dalku ku yimaaddo doorashada dadweynaha, xilkana uu hayo muddo ku cayiman Dastuurka dalkaas, wakhtiga wakhtigaasi oo aan sinaba loo dhaafi karin duruufo aafooyin oo baahsan oo asiiba dalkaas mooyaane.
Inkasta oo xaalad adag oo garowshiiyo aan mudnayni la soo darsin dalkeena, haddana doorashadii Madaxtooyadu dhawr jeer ayay dib u dhacday, taas oo abuurtay xasarad siyaasadeed iyo kacdoon dadweyne oo sababay inuu dhiig ku qubto wadooyinka caasimada Hargeysa.
Arrintaasi waxay ku keentay dib u dhac sumcadii wacnayd ee ay Somaliland ku dhex lahayd bulshada caalamka, niyad jabna ku abuurtay saaxiibada u olaleeya qadiyada ictiraaf raadinta Somaliland.
Haddaba, wuxuu komishanku, maanta u taagan yahay, rajadii ugu dambaysay ee furdaaminta arrimaha doorashada ee cakiran, Somaliland waxay maraysaa marxalad xaasaasi ah, doorashadan oo ku dhacda si xor iyo xalaal ah iyo nabad gelyo, waxay u horseedi kartaa Somaliland inay qadarin ka mutaysato bulshada caalamka, taas oo u soo jiidi karta ictiraafka ay aadka ugu ooman-tahay.
Sidaa awgeed xubnaha Komishanku waa inay maanka ku hayaan muhiimadda xilka culus ee ay dhabarka u rideen, waxaan si xushmadi ku dheehan tahay kula talinayaa:-
1-Inay si joogto ah u dhiirigeliyaan isku kalsoonida xubnaha dhexdooda, wadashaqeyntooduna noqoto mid wadareed (Team work) oo ku dhisan is qancin iyo isku tanaasul, iyagoo ku waajahaya arrimaha daacadnimo iyo dhexdhexaadnimada ay ku wada dhaarteen.
2-Inay u wada arkaan Hoggaamada xisbiyada ee tartamaya, inay yihiin saddex murashax oo ku leh agtooda xuquuq siman, iyaguna(Komishanku) isu arkaan inay yihiin garsooraha ugu sarreeya ee arrimaha doorashada.
3-Inay had iyo jeer, si daah-furan ula yeeshaan xog- is weydaarsi iyo wadatashi u dhaxeeya iyaga iyo madaxda saddexda xisbi qaran, kuna baraarujiyaan inay wada xurmeeyaan heshiisyada dhex mara, sida xeerka Anshaxa (Code of codnduct), diiwaangelinta Iwm.
4-Inay ka fogaadaan dhaameelka iyo wax is daba marinta xisaabaadka hantida doorashada, iyagoo yaqiinsan in Musuqmaasuqu yahay, xanuunka ugu xun ee ku dhaca damiirka ruuxa, keenana in qofku noqdo mid liita oo bahdilan.
5-Inay la socodsiiyaan dadweynaha halka ay marayso hawshoodu, waxa u qabsoomay iyo waxa u dhiman, uguna gudbiyaan warbaahinta si joogto ah hawlaha doorashada qeybta ay bulshadu ku leedahay habsami u socodkeeda.
6-Inay tababar wacyi-gelineed u furaan dhamaan masuuliyiinta qaranka ee gobolada dalka sida (Guddoomiyeyaasha Gobolada, Madaxda deegaanka, Ciidamada Iwm), si loogu iftiimiyo kaalintooda dhex-dhexaadnimo iyo tan nabadgelyaba.
7-Inay fahmaan hab-dhaqankii iyo carqaladihii ka hor yimid Komishankii kooda ka horreeyay, kana feejignaadaan wixii ay ku jabeen qoladaasi.
8-Inay kulan wadatashi ah la yeeshaan xubnihii Komishankii ugu horreeyay Somaliland ee uu Hoggaaminayay Mr. Cadami, oo ay waayo-aragnimo ka koradhsadaan sidii ay u daadihiyeen doorashadii tan la midka ahayd ee ay dalka ka soo gudbiyeen.
9-Inay xog-ogaal u noqdaan habkii loo maamulay doorashadii madaxtooyada Kenya ee kal-hore ee sababtay geeri badan (1300) oo qof iyo barokac baaxad leh, khalkhalna gelisay qaranimaddii dalkaasi, taas oo tusaale xun oo aan la mahadin inoogu filan.
10- Inay xidhiidh dhow oo wada shaqayneed oo ku dhisan is xurmayn, la yeeshaan khubarada iyo Wakiilada dalalka deeqbixiyeyaasha ee inaga taakulaynaya habsami u socdka doorashada, lagana foojignaado cawaaqibxumo ka dhalan karta inuu soo noqdo mar kale jawigii dhiilada lahaa ee dhex yaalay Komishankii hore iyo Hay’adii Inter-peace.
Waxa hubaal ah in ay Komishanka horyaalaan duruufo qalafsan iyo jawi dulqaadkii iyo isku tanaasulkii gabaabsi yahay, wakhtiguna yahay cadowgooda, damaaciguna indhaha tiri karo Raga qaarkiis.
Waa marxalad taariikh u ah naftooda (Komishanka) dadkooda iyo dalkoodaba. Oo ay is-garab yaalaan godob iyo eex guntoodu tahay gunnimo, ama xaqsoor iyo geesinimo guntoodu tahay guul iyo Gabannimo.”
Somaliland.Org