Cisbitaalka Magaalada CiiriGaabo Oo U Xidhmay Maamul Xumada Riyaale

Ceerigaabo(HWN):-Cusbitaalka Magaalada Ceerigaabo ayaa la sheegay inuu xidhan yahay labadii bilood ee u danbeeyey oo aanay haba-yaraatee wax shaqo ah ka socon, kadib markii agaasime iyo isu-duwe cusub wasaarada caafimaadku u magacowday Gobolka Sanaag ay diideen inay xilalka qabtaan. Isla markaana masuuliyiintii hore ee xilka hayey uu wasiir kuxigeenka wasaarada cadaalada Yuusuf Ciise [Talaabo] oo beryahanba ku sugnaa Gobolka Sanaag uu si juujuuba xilkii uga wareejiyey masuuliyiintii hore.
Sidaa waxa idaacada Radio Horyaal u xaqiijiyey Dr. Cabdirisaaq Caddare oo ka mid ah masuuliyiintii cusbitaalka ceerigaabo ee uu xilka ka qaaday Wasiir talaabo, waxa kale oo uu intaa ku daray in shaqadii Cusbitaalu inay halkaa taagan tahay, markii Wasiirka Wasaarada Caafimaadku hal mar uu wada bedelay Agaasimihi Cusbitaalka Magaalada Ceerigaabo iyo isu duwihii caafimaadka ee Gobolka, isla markaana iyaga oo aanay xilalkaas la wareegin masuuliyiintii lagu bedelay ayuu Wasiir ku-xigeenka Cadaaladu Md. Yuusuf Ciise ‘Talaabo amray in si khasab ah Agaasimaha iyo isuduwaha.
Mr. Cadare waxa kale oo uu intaa raaciyey inay talaabadaasi ay sababtay, inuu Cusbitaalku xidhmo, dhakhaatiirttii Cusbutaalka iyo hawlwadeenadii ka shaqeyn jiray Cusbitaalka waxay u diga rogteen Cusbitaal gaar loo leeyahay oo la yidhaahdo Shifo,kaas oo ku yaala Magaalada Ceergaabo.
Maaha markii ugu horeysay ee uu Wasiirka Caafimaadku ku kaco talaabo noocan oo kale, isla todobaadkii hore ayey ahayd markii Wasiirka Caafimaadku xilka ka waareejiyay agaasimaha wasaarada Caafimaadka.
Xigasho/ Hadhwanaagnews