Gudoomiye Siilaanyo Oo Xukuumada Ku Eedeeyay Xil Ka Qaadista Agaasimaha Cisbitaalka Hargeysa

http://somalifans.files.wordpress.com/2009/02/mujaahid-siilanyo.jpgGuddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Wasiirka Caafimaadka ku eedeeyay inuu magaca dawladda ee uu huwan yahay ku boobayo hantida qaranka, gaar ahaan gaadiidka Cusbatalka. “Cusbatalka Hargeysa mid dawladdu wax ka qabatay maaha, waana la ogaa dayacii gaadhay intii dawladdu gacanta ku haysay. Laakiin, Illaahay mahadi haka gaadhee cidda wax ka qabatay Cusbatalka Hargeysa, waxay ahayd Guddiga hawshaa u qaabilsan Cusbatalka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo uu xalay khadka Telefoonka waraysi kula yeeshay Wargeyska Ogaal. Wuxuuna intaa ku daray, in Guddiga madaxabanaan ee Cusbatalku meelo badan ula xidhiidheen horumarinta Cusbatalka, isla markaana ay dhaqaale-ururin wax-ku-ool ah sameeyeen, waxna ka qabteen Cusbatalka guud ee Hargeysa. “Hawshaasi si fiican bay u socotay, magac iyo sharaf baanu yeeshay Cusbatalku…Dawladdu Dabaabaad (Taangiyo Milateri) wax aan ahayn oo ay Cusbatalka gelin jirtay ma jirin. Markaa maanta in la kala-tuuro oo dawladdu ku tumato waa ayaan-darro, danta, Caafimaadka iyo maslaxada Cusbatalkuna wuxuu ku jiray in Guddiga maamulaysay iyo Dhakhaatiirta maamulaysay hawsha si fiican bay u wadeene loo daayo ayay sharaftu ku jirtaa. Waxa nasiib-darada ka sii wayn ah, in waxa waxan oo dhami u dhacayaan ee la isku qabsaday ay tahay qalabkii iyo gaadiidkii Cusbatalka loo keenay ee loogu adeegayay,” ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo. Wuxuuna intaa raaciyay; “Inuu Wasiirku damaaciyo gaadiidka Cusbatalka dan ku jirtay ma jirto, waana fawaaxish aad u fool-xun. Laakiin, mid la yaabi mayno oo dawladdu meesha ay maqalo ee shilin yaalo – ama Cusbatal haloo ururiyo ama masaakiin haloo ururshee, inay iyadu gacanta ku qabato, faraha la gasho oo ay ka faa’iido ayay jeceshahay…Gaadiidkii xafiisyadayada lagu weerarayay ee lagu xidhayay gaadiidkii UN-ku bixiyay ee ku tabaruceen bay ahaayeen ee la yidhi ajaanibka halagu ilaasho iyo nabadgelyada qaranka. Markaa haddii waxoogaagaa yar ee Cusbatalka u yaalay markii la arkay la hungureeyay oo meeshii ay wax ku arkaanba ay hunguraynayaan waa ayaan-darro, inay umaddu sidaa u aragtana waa loo baahanyahay. Sidaa darteed, waxaanu u aragnaa fool-xumo wayn oo meesha ka dhacday.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay sida uu u arko talaabooyinka khilaafka dhaliyay ee Wasiirku ku talaabsaday, waxa uu ku jawaabay; “Waxaanu u aragna sida Wasiirku wax u wadaa inay tahay arrin fool-xun, ceeb ah oo boob ah oo uu magaca dawladda hantida qaranka wax ku boobayo oo uu dano shaqsi ah u adeegsanayo gaadiidka Cusbatalka.”

Ugu dambayn, Guddoomiyaha oo la waydiiyay sida uu u arko in xal loogu heli karo khilaafka Guddiga Caafimaadka iyo Wasiirka u dhexeeyay, waxa uu yidhi; “Danta shacbiga reer Hargeysa haddii la eegayo, Cusbatalkaasi kama maarmo maamulkii madaxabanaanaa iyo Guddiga maamulaysay. Markaa waxaanu leenahay dawladdu haka waantowdo arrintaa, Cusbatalkana haloo daayo Guddiga gacanta ku haysay iyo ciddii la shaqaynaysay ee ay ku ogol yihiin.”

Comments are closed.