Xoghayaha Arimaha Dibada Ee Xisbiga Kulmiye Oo Ay Waraysatay Shabakada Hadhwanaagnews
London-HNW)- Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE Dr .Maxamed C/laahi Cumar ayaa sheegay in wadamada beesha caalamka ee Somaliland taageeraa ay sugayaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda Somaliland, isaga oo xusay in arrimo badan oo siyaasad iyo horumar leh oo beesha caalmku Somaliland ka caawin lahayd ay u dabran yihiin doorashada. Dr.Maxamed C/laahi Cumar wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi dhinacyo badan leh oo shabakadda Hadhwanaagnews kaga qaaday isagoo hadda jooga magaaladda London.
Ugu horeyn mar aan weydiiyay Dr. Maxamed Cabdillaahi wuxuu dhowr jeer ku cel celiyay in beesha caalamku hakisay deeqdii Somaliland, wuxuu taas ula jeedo madaama oo u dhwr jeer saxaafadda siiyay warbixino wuxu igu jawaabay.
“Sababaha Bulshada Caalamku Somaliland ugu adkaynayso qabashada doorashada waxaa ka mid ah dunida oo doonaysa maamul cusub waxaaana muuqato maamul xumida xukuumadda iyo sida ay ugu suuragali wayday inay la timaado hoggaamin la jaan qaadi karta siyaasadda caalamka, tageerana u keeni karta Somaliland”.
Mar aan waydiiyay wuxuu taas ku cadaynaayo maadama Dawladda Somaliland mas’uuliyin u hadlay sheegen in anay waxba iska khuseyn doorashada iyo deeqda addunku siiyo Somaliland wuxuu yidhi Xoghayuhu “adduunyadu maanta Somaliland waxbay la qaban kartaa haddii maamul ka duwan ka madaxweyne Daahir Rayaale yimaado, umana aragto beesha caalamku xukuumadda maanta dalka ka jirta mid ka soo bixi karta hawlaha culus ee Somaliland horyaalla. Duniduna waxay doonaysaa maamul awood u leh inuu caalamka tuso sababt ay u tahay maslaxada qarameed iyo kuwa caamka ahba ee lagama maarmaan ka dhigaaya inay Somaliland hesho aqoonsi siyaasadeed iyo faa´iidooyinka dunida ugu jira hadey yihiin, mandaqada,iyo duwalka awoodda lehba aqoonsiga Somaliland. Waxay kaloo beesha caalamu doonaysaa dawlad talo iyo waxqabad ka gaysan karta mushkiladaha ka taagan Geeska Afrika . Beesha caalamku uma argato xukuumadda Daahir Rayaale mid ka soo bixi karta xilkaasi, lehna awood iyo isku kalsooni ay ku meel mariyaan arrimahan, waxayna dhalliilahani qayb ka yihiin caqabadaha qaran ahaan ina hortaagan hadey deeq tahay iyo hadii horu mar kale tahayba”
Xoghayaha arrimaha dibadda oo aanu weydiinay wuxuu xog ka hayo halkay marayaan arrimihii doorashooyinku wuxuu noogu jawaabay, “ in kastoo arrimaha doorashadu ay hadda ku jiraan gacanta Guddiga Doorashada Qaranka, oo la filayo inay iyagoo la kaashanaya deeqbixiyayaasha dhakhso u soo dhammaystiraan diyaarinta doorashada wakhtiga doorashadana ay cayimaan, haddana waxaa xukuumadda looga fadhiyaa in aany caqabad ku noqon hawlgalada guddigan, gacan waynna ka siiso guddiga gudashada hawlahooda”.
Mar aanu waydiinay Dr. Maxamed Cabdillaahi siduu u arko weerarada iyo hanjabaadaha kooxaha argagixisadu ku hayan Somaliland, wuxuuna yidhi “waxaanu xisbi ahaan ugu baaqayaa shacabka, xukuumadda, ciidanka, xisbiyada iyo golayaasha qaranka ee Somaliland in si wadajir ah la iskaga kaashado wax ka qabashada argagixisada, waxaanu kaloo ku garab taagan nahay xukuumadda iyo ciidankaba sugidda ammaanka dalka”.
Ugu dembayntii waxaa Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar aan weydiinay madama uu yahay Xoghaya arrimaha dibadda ee Xisbiga Kulmiye su’aal ahayd waxay uga jedeen Xisbiga Kulmiye soo dhaweeyntii dhawaan xisbigoodu soo dhaweeyay siyaasadda cusub ee dawladda Maraykanku kula macamilayso Sudan oo ogol in mustaqbalka koonfurta Suudaan noqon karto dal madaxbanaan oo dunidu aqoonsan tahay. Wuxuu yidhi. “ waxaanu u aragnaa inay arrintani faa’iido u yeelan karto qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland, xisbi ahaanna waxaanu arrintaa kulan kala yeelan doono dawladda Maraykanka si aanu ugala hadlo sidii maamulka cusub ee madaxayne Obama uu dib u eegi lahaa qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, iyaga oo tixgalinaya siyaasadda cusub ee Maraykanku ku doonayo in Koonfurta Suudan noqoto dal madaxbannan oo caalmka ka tirsan.
Xoghayaha oo aan waydiiyay su´aal ahayd waxaa markastaba laydinku eedeeya in aydaan qirin waxay xukuumadu qabato lakiin wax kasta aad mucaarid ku noqotaan miyaanay taasi jirin wuxuu igu jawaabay. “runtii wixii wacan ee ay qabato waanu qiraynaa caqliga wacan ayaa ku jira in qofku haduu wax qabto loo qiro lakiin waxaanu amin sanahay in anay xukuumadda maanta jogta qaban waxbadan oo ay shacabka Somaliland u qaban kari lahayd, taasna ay ugu wacan tahay faro badnaanta xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale iyo tayo yarida haysata”.
Xoghayaha arrimaha dibedda KULMIYE waxuu ugu baaqay bulshada Somaliland mucaarid iyo muxaafidba in lagawada shaqeeyo sidii qaddiyadda Somaliland looga iibin lahaa beesha caalamka, iyadoo laga duulayo himilada qaranka iyo rabitaanka shacabka, tixgalinna la siinayo siyaasadda caalamka iyo waxtarka ay Somaliland oo noqota qaran la aqoonsan yahay u yeelan karto dunida iyo mandaqadaba.
Xigasho/ Muniir Axmed Cigaal
Hadhwanaagmedia England/Uk.
Email muniir10@gmail.com