Xisbiga KULMIYE oo ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Cismaan-Hindi
| Keyse Xasan Cige |
Waxaa arrin lala yaabo ku noqotay Xisbiga Kulmiye iyo guud ahaan shacabka Somaliland warka kasoo yeedhey mas’uulka Xisbiga Udub, Cisman Cabdillaahi Cigaal (Hindi) ee lagu aflagaadeeyey Xisbiga Kulmiye. Waxaa dhawaaqan kasoo yeedhey mas’uulka Udub uu ku noqoday fajiciso iyo filanwaa madaxda iyo mas’uuliyiinta Xisbiga Kulmiye, waxaana aad
loola yaabay weedhahan beenta ah ee lasoo macmalay, isla markaana aan nuxurka badan laheyn. Warsaxaafadeedkaasi kasoo yeeday Udub wuxuu sheegey inuu Xisbiga Kulmiye iyo madaxdiisu ay mar walba carqaladeeyaan tallaabo kasta oo loo qaado dhinaca taageerada xukuumada iyo waliba ictiraaf raadinta.
Waxaa kaloo warsaxaafadeedku sheegay inuu Xisbiga Kulmiye u muujinayo dunida inay Somaliland tahay goob aan xasilooneyn oo fadqalalo ka jirto, iyo wailba iyadoo ay xubno ka tirsan Xisbiga Kulmiye ay kamid yihiin kooxaha xag-jirka ah sida Al-Shabaab. Waxaa iyana kamid ahaa aflagaadada kasoo yeedhey Udub inuu Kulmiye carqaladeeyey arrimaha diiwaangelinta gaar ahaan kuwii laga qabtay gobolada Beriga.
Hadaba waxaa isweyndiin leh maxaa ku kallifay mas’uuliyiinta Xisbiga Udub inay maanta hadallada noocaniya ku dhawaaqaan. Jawaabtu way cadday oo waxaa weeye in hadda la gaadhay waqtigii Xukuumada Riyaale ay bilaabi laheyd jiho wareerinta iyo soo nooleynta khilaafka siyaasadeed ee Xisbiyada Qaranka iyo is-hortaaga qorshaha iyo hawlaha u diyaargarowga iyo dhammaystirka barnaamijka doorashada Madaxtooyada iyo iyagoo doonaya inay dhaawacaan fulinta iyo meelmerinta heshiiskii lixda qodob ka koobnaa ee wadamada aynu saaxiibkana nahay iyo beesha caalamku u soo jeediyeen seddex Xisbi qaran kuwaasoo ay wada saxeexeen dhammaantood.
Dacaayadaha noocan oo kale ahi waxay bulshada Somaliland tusayaan ku xadgudubka heshiisyada ay seddexda Xisbi wada galeen iyo waliba heshiisyadii hore loo gaadhay ee ahaa in la joojiyo dacaayadaha iyo aflagaadooyinka aan salka iyo raadka toona laheyn.
Hadaba dhawaaqa kasoo yeedhay mas’uulka Udub wuxuu inoo caddeynayaa oo ina tusayaa arrimahani:-
1.in mas’uulka hadaladani kasoo yeedheen ay kasoo xidhmeen dhammaan albaabadii uu garaacayey kadib markii uu ku fashilmay hawlihii uu Xisbigiisu u igmaday ee ololaha, kuna guuldaraystay ka midha dhalintooda
2-in la gaadhay waqtigii uu mas’uuliyiinta Xisbiga Udub caadada u lahaa inay bilaabaan qaska iyo jahawareerinta bulshada
3.Inay durba raadinayaan, inay ka dhex abuuraan Kommishanka Doorashooyinka iyo Xisbiyada Qaranka muran iyo doodo aan waqtigani xaadirka loo baahnayn
4.Inay ku raadgataan kadib markii uu shaqeyn waayey maamulkii xukuumada oo ay fadhiisatey shaqadii xafiisyada, ragaadeena hawlihii loo igmaday Wasaaradaha dawladiga ah.
5.Inaanay rajo weyn ka qabin tartanka doorashada soo socota kadib markay ogaadeen inaanay haysanin kalsoonida dadweynaha, oo aanay helayn codka ummadda gaar ahaan goboladii ay qorshaha ku darsadeen.
6.Iyagoo doonaya inay ka jeediyaan indhaha iyo dareenka shacabka maamul –xumida iyo musuqmaasuqa ku baahay Hay’adaha Xukuumada ee faraha ka baxay
Hadaba Xisbiga Kulmiye wuxuu la socodsiinayaa shacabweynaha Somaliland, wadamada aynu dariska nahay iyo beesha caalamkaba inuu Xisbiga talada haya ee Udub u durba bilaabay murankii siyaasadeed ee hore loo soo af-jaray, doonayana inuu soo rogaalceliyo dacaayadihii iyo aflagaadooyinkii laga heshiiyey.
Xisbiga Kulmiye wuxuu dacwad kusoo oogayaa mas’uulka ka tirsan Xisbiga Udub ee sheegey in xubno ka tirsan Xisbiga Kulmiye ay kamid yihiin kooxaha xag-jira sida Al-shabaab, isagoon u hayn caddaymo (qoraalo ama dokumentiyo) tilmaamaya inay xubnahaasi ka tirsan yihiin kooxaha xag-jira.
Xisbiga Kulmiye wuxuu u sheegaya Kommishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xisbiyada Qaranka ee UDUB iyo UCID inaanay wax wada shaqeyna oo dambe la yeelan doonin Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Hindi) oo ahaa mas’uulkii ku saxeexnaa warsaxaafadeedka, kana qoran yahay xaggooda “Persona non grata” , haseyeeshee uu Kulmiye diyaar u yahay inuu sii wado wada- shaqeyntii uu la lahaa masuuliyiinta kale ee ka tirsan Xisbiga Udub.
Xisbiga Kulmiye wuxuu uga digayaa madaxda iyo mas’uuliyiinta Udub hadallada been abuurka ee runta ka fog ee mas’uuliyiinta qaarkood caadeysteen, wuxuuna ku boorinayaa inay ka waantoobaan wararka aan macnaha weyn ku fadhiyin ee xaqiiqada ka fog; haseyeeshee ay bedelkeeda u jeestaan xilka ummadu u egmatay ee ah inay shacabka si daacadnimo ah ugu shaqeeyaan. Xisbiga Kumiye wuxuu u sheegayaa mas’uuliyiinta Xisbiga Udub in aflagaadooyinka iyo been -abuurka noocani aanu waxba soo kordhineyn ee uu waxyeelaynayo wada shaqeyntii iyo heshiisyadii ay Xisbiyadu Qaranku wada gaadhaan, dhaawacna u geesanayo dhowridda iyo ilaalinta karaamada iyo maamuuska ay leeyihiin madaxda iyo mas’uuuliyiinta Xisbiyada Qaranku.
Waxaanu ku boorinaynaa madaxda iyo mas’uuliyiinta Xisbiga Udub inaya la jaanqaadaan qorshaha iyo meel-marinta heshiiska cusub ee Xisbiyada iyo Kommishanka Doorashooyinka Qaranku ay guda galeen; bacdamaa ay tahay waajib saaran xukuumada inay kaalinta ugu weyn ka qaadato fulinta iyo taabagalka hawlaha doorashooyinka, iskana dhaafaato aflagaadada, muranka iyo jahawareerinta shacabka.
Wa Billaahi Tawfiiq,
Keyse Xasan Cige
Xoghayaha Guud