Taliyihii Sirdoonka Qaranka Ee Gobolka Sool Oo Ku Eedaysan Dilkii Qaraxa ee taliyaha Qaybta 12aad Ee Cidaamada Qaranka

http://somalilandinfo.com/files/images/miino_0.thumbnail.jpg Laascaanood(HWN):- Taliyaha Ciidamada Sirdoonka Somaliland ugu qaabilsan Gobolka Sool Cabdifataax Muuse Yuusuf, oo ku eedaysan dilka Taliyihii qaybta 12aad ee Ciidamada Qaranka oo bishii 11-aad ee sannadkan lagu dilay Qarax lala beegsaday Taliyaha geeryooday oo ku sugnaa Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, oo maanta la filayay in la hor keeno Maxkamadda Caasimada, ayaa dib ugu dhacay sababo aan la sheegin.
Warar xoogagaal ah oo aanu ka helnay magaalada laascaanood ayaa ku waramaya in dib u dhacan eedaysanayaasha in maxkamada ciidanka la hor keeno, ay ka dambaysay ka dib markii kulan ay iskugu yimaadeen saraakiisha ciidamada Qaranka, maamulka gobolka Sool iyo xubnaha maxkamada ciidanku oo in mudo ah socday aanu ka soo bixin wax ku saabsan sababta dib u dhigtay in eedaysanayaasha Maxkamadda la hor keeno.

Hase ahaatee, waxay wararku intaa ku dareen oo la filayaa in maalinta Bari ah Maxkamada qaadaysa dacwadda Taliyaha eedaysanaha ah ay ka bilaabanto Magaaladda Laascaanood.
Xukuumada Somaliland oo doonaysa in kiiskan baadhistiisa iyo xubnahan eedaysan loo soo wareejiyo magaalada Hargaysa, ayaa guul daraysatay markii ciidamada qaranka gaashaanka ku dhufteen, kuna adkaysteen in kiiska iyo maxkamadaba lagu galo magaalada Laascaanood oo ahayd halka uu ka dhacay falka lagu dilay taliyaha qaybtii 12aad ee Alle ha u naxariistee Cismaan Yuusuf Nuur.

Xigasho/ Hadhwanaagnews

Comments are closed.