Hargeysa: Ciidamo Boolis ah oo galay Xafiisyada KULMIYE qaarkood, Calamadiina ka qaatay
Hargeysa (Somaliland.Org)- Ciidamada Booliska ee Magaalada Hargeysa, ayaa duullaan ku qaaday qaar ka mid ah Xafiisyadii Xisbiga KULMIYE ku leeyahay Xaafadda 26 June ee Magaalada Hargeysa, kuwaas oo ay ka qaateen Calamadii iyo Astaamihii Xisbiga ee Xafiisyada yaalay.
Sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbigaas Axmed X. Cabdilaahi (Xamarji), Ciidamada Boolisku oo xalay galay Xafiisyada Kulmiye ee Xaafadda 26 June ee Magaalada Hargeysa, isla markaana ma jiraan wax sabab ah oo dhaafsiisan in ay fulinayaan Amar. “Ciidan baa la geliyay Xafiisyadii oo Calamadii ayaana la qaatay oo la gubay, markii aan socday ilaa Hoggaanka Hawlgelinta Ciidamada Boooliskana, wuxuu ii sheegay in ay fulinayaan Amar ka sarreeya.” Ayuu yidhi Axmed X. Cabdilaahi oo maanta ka hadlay arrintan. Waxaanu tallaabadan ku tilmaamay ayaan-darro.
Dhinaca kale, Masuuliyiin badan oo ka tirsan Xisbigaas oo uu ka mid yahay Madaxa Ololaha Doorashada Madaxtooyada ee Kulmiye u qaabilsan gobollada galbeedka Baashe Cabdi Gaboobe, ayaa iyana cambaareeyay tallaabadan.
Maaha markii u horraysay ee Ciidamo galaan Xarumaha Xisbiyada, Ururada Bulshada iyo Warbaahinta dalka, hase ahaatee, waxay Xukuumaddu hore Ciidan u gelisay Shabakaddii Xuquuqda Aadamaha Somaliland ee SHURO-NET iyo sidoo kale Idaacadda Horyaal.
Xigasho/Somaliland.Org
