Gudoomiyaha Xisbiga Oo Ka Hadlay Doorashada Iyo Xidhiidhka Wanaagsan Ee Wadamada Deriska
Hargeysa (Kulmiye.Org)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay waxyaabaha u qorshaysan haddii ay Doorasho ka qabsoomi waydo dalka, isla markaana wuxuu ka hadlay mawqifkooda la xidhiidha dalalka Somaliland la deriska ah.
Axmed-Siilaanyo waxa uu ka warbixiyay aragtidooda la xidhiidha soo-laabashada Hay’adda Interpeace oo ay hore Xukuumaddu dalka uga saartay, balse hadda la filayo inay ;la hawl-gasho Komishanka cusub ee Doorashada. “Interpeace waxa eryay Maamulka maanta jira ee Axsaabta Mucaaradka ahi ma eryin..Wixii dalka ka dhacay xitaa haddii ay iyaga wax kaga soo noqdaan, maaha wax la odhanayo iyaga ayaa sabab u ahaa. Waayo, xilku wuxuu saarnaa Komishanka Doorashooyinka. Markaa imikana qaab kale ayay u soo noqonaysaa oo sidaan ka war qabo Komishanka gacanta iyagu kuma haynayaan oo Hay’ado kale ayaa imanaya. Laakiin, iyagu qaab kale ayay ula shaqaynayaan oo laysla af-garto. Waxaanay hawshoodu ku xidhan tahay hadba waxay Guddida Doorashadu u dirtaan. Balse, Xilku dhinaca Soomaalida ayuu saarnaanayaa.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo oo dadweynaha qaarkood su’aalo ku waydiiyeen Barnaamijka Wicitaanka Dhegaystaha ee Laanta Afka Soomaaliga ee VOA.
Mar Guddoomiyaha la waydiiyay su’aal u dhignayd; Mar haddii Siyaasaddiinu isbedbedelayso oo aad marka ay wax dhacaan wada-hadallada u hoggaansamaysaan, miyaanay ahayn in ka hor intaanay wax dhicin wada-hadalada ka qayb gashaan, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Haddii aad u jeeddo dalka iyo dadka ayuu Maamulku dhawr jeer meel kaga dhacay, idinkuna waad u dabciseen oo waad ogolaateen, waanad siiseen. Markaa miyaanay ahayn in aad isaga daysaan, ha iska haystee. Haddii macnuhu sidaa yahay, waxay ila tahay in arrintaasi ay tahay mid aan meesha ku jirin. Marka hore waa khalad oo waxa weeye, Maamul-xumo iyo xaq-darro dalkeena way ka jirtaa, cadaalad badan oo laga baydhay way jirtaa. Laakiin, arrinta meesha taalaa waxa weeye, haddii aanu Masuuliyiinta Mucaaradka nahay, waxa na saaran Xilal faro badan oo Qaranka iyo Kulligeenba ina wada saaran…In Xabbad laysu qaato oo taladu faraha ka baxdo waxa ka wanaagsan; in Dimuqraadiyadda iyo nabadgelyada la xoojiyo..Haddii ay jilicsanaan tahay iyo haddii kaleba Dagaal layskaga hortego iyo xoog dawladda lagu muquuniyo horena ugumaanu dheerayn, imikana ku dheerayn mayno ee waanu ku faanaynaa. Haddaanu tanaasul la nimi, waxyaabahaas ayaa sabab u ahaa, waxaananu aragnaa in Caalamkii nala arkay oo garta nala siiyay.”
Axmed Maxamed (Siilaanyo) oo la waydiiyay waxa uu Xisbigoodu yeelayo ee u qorshaysan haddii ay dalka ka dhici waydo Doorasho, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Xisbiga oo kaliya maaha ee dalka ooo dhan waxa u qorshaysan in ay dalka Doorasho ka dhacdo, kalsoonina waanu ku qabnaa..Markaa dhici-waaga ay Doorasho dhici waydo waxay noqonaysaa Masiibo dalka ku timi. Wax Xisbiga KULMIYE oo kaliya u yaala maaha ee waxay noqon doontaa mid Qaranka oo dhan u yaala. Wax aad iyo aad u fool-xun-na way noqonaysaa, Ilaahayna ka baryi mayno. Waxaynu qorshe u samaysanaynaa oo u hawl-galaynaa oo ku tashanaynaa mar walba inay Doorasho dhacayso oo si fiican u dhici doonto oo hawlo badan laga galay oo dadka Somaliland Doorashadaa u diyaar garoobayaan. Taas ayaan ku xisaabtamayaa oo aan u diyaar-garoobayaa.”
Guddoomiyaha Kulmiye wuxuu sheegay in ay Kalsooni buuxda ay ku qabaan Komishanka cusub oo ay taageerayaan, si ay hawlahooda u gutaan. Isla markaana wuxuu ballan-qaaday in Xisbi ahaan haddii ay talada dalka ku guulaystaan ay Arrimaha Siyaasadda dibedda ka hawl-geli doonaan si ka firfircoon sida ay Xukuumaddu hadda ula macaamisho iyo in ay nidaam u sameeyaan dhinaca dhaqaalaha oo uu sheegay in aanu habaysnayn iyo arrimo kale oo ay ka mid tahay inay Haweenka iyo dhalinyarada Siyaasadda ka qayb-geliyaan. Sidoo kale, wuxuu sheegay inay horumarinayaan Dekedda Berbera.
Sidoo kale, mar la waydiiyay in haddii ay talada ku guulaystaan ay wax-ka-bedel ku samaynayaan Dastuurka Qaranka, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Dastuurkeenu meelo badan ayaa caddayn u baahan iyo in la fasiro..Beddelaaddiisu wax fudud maaha ee taladiisu waxay u baahan tahay in laga qaado Shacabka Somaliland. laakiin, waa arrin aanu aad iyo aad uga fikirnay oo aanu hayno..Waxaananu saari doonaa dad badan oo aqoon u leh, Culima’udiin-na ah.”
Dhinaca kale, mar uu Axmed-Siilaanyo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay aragtidooda ku wajahan Dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo Dhegaystaha su’aasha waydiinayay uu sheegay in Guddoomiyuhu hore u xusay inay Somaliland faro-gelin ku hayaan, ayuu yidhi, “Xaasha, anigu marnaba ma odhan dalalka Itoobiya iyo Jabuuti ayaa farogelin nagu haya, Afkaygana maaha..Mawqifkayaga aanu ka taaganahay wuu cad yahay. Ixtiraam, wada-shaqayn iyo qaddarin baa naga dhaxeeya..Waanu kulanay oo waxaanu ku nidhi, waxa qudha ee aanu jecelnahay ee aanu idinka codsanaynaa waxa weeye in aan Doorashooyinkayaga la farogelin, macnaha waad farogeliseen maaha. Laakiin, in qolo waliba Dimuqraadiyad iyo qaab ay ku shaqayso ayay leedahay ee Dimuqraadiyaddeeda iyo Xorriyaddeeda la dhawro..Markaa waanu ku ixtiraamaynaa Maamulkooda iyo Dimuqraadiyadda noocooda waanu ku ixtiraamaynaa, iyaguna kaayaga way nagu ixtiraamayaan.”
Xigasho/Somaliland.Org