Garabka Isbadal Doonka Udub Iyo Kulmiye Oo Wada Galay

http://www.longlivesomaliland.com/IMAGES/cabdillahi-darawal.jpg

Garabka Isbadal Doonka Udub Iyo Kulmiye Oo Wada Galay Heshiis Is Bahaysi Siyaasadeed Oo Ay Ku Bohoobayaan

“Shirar Anaga Gudahayaga Noo Socdaa Way Jiraan,Go’aan Rasmiya Oo Aanu Qaadanayna Ma Jiro, Kamana Sii Hor Dhici Karo Go’aanka Isbadal Doonka”

Mujaahid Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Darawal)

Hargeysa, December 15, 2009 (Haatuf) – Siyaasiyiintii garabka isbadal doonka Udub ee ka biyo diiday qaabkii shirwaynihii labaad ee xisbiga Udub u qabsoomay ee uu hogaamiyaha u yahay wasiirkii hore ee caafimaadka Mujaahid Cabdilaahi Xuseen Iimaan (darawal) ayaa la sheegay in xisbiga kulmiye ay la galeen heshiis ay kula bohoobayaan in ay  mawqif ka wada yeeshaan arimaha siyaasada ee ku wajahan dalka.ma jiro ilaa hada war rasmiya oo kasoo baxay garabka isbadal doonka Udub iyo hogaanka xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye oo bayaaminaya heshiis isbahaysi iyo nuxurka uu xambaarsan yahay is bahaysigoodu, balse sida ay noo tibaaxeen ilo u dhaw dhaw labada dhinac ayaa wargeyska Haatuf u xaqiijiyey, in garabka isbdal doonka udub iyo hogaanka xisbiga kulmiye ay baryahan u danbeeyeyba shirar doceedyo uga socday caasimada Somaliland  ee Haragaysa ay si rasmiya isula qaateen uguna heshiiyeen in isbahaysi siyaasadeed ay wada yeeshaan labadooda dhinac, taas oo wararkuna intaas ku darayaan in garabka isbadaldoonka udub ay si rasmiya xisbiga kulmiye ugu cadeeyeen in olalaha tartanka doorashada ee madaxtooyada ay taageeradooda lagarab istaagi doonaan sidii kulmiye ugu guulaysan lahaa doorashada madaxtinimo ee fooda inagu soo hayso ee la filayo inay dalka ka qabsoonto,iyadoo dhinaca kalena mujaahid Cabdilaahi Darawal aanu beenin ku biirista xisbiga kulmiye iyo shirarka hada u socda wuxuuse si kooban u yidhi “wixii go’aan ah ee la qaadanayaa waxay u taalaa isbadal doonka udub, wax go’aan ah oo ilaa hada rasmiya oo aanu isbadal doon ahaan qaadanay haba yaraatee ma jirto, balse waxa jira shirar noo gaara isbadaldoon ahaan oo aanu kaga hadlayno arimahayaga daakhiliga mana rabo inaan kasii hor dhaco mabaadi’da siyaasiga ah ee isbadal doonka ubub”.

Inkastoo uu ka gaabsaday mujaahid Cabdilaahi darawal inuu si rasmiya u dayaamiyo iskaashiga siyaasadeed ee dhexmaray xisbiga kulmiye hadana tibaaxaha ka soo baxaya xaruunta xisbiga kulmiye ayaa sheegaya in qaban qaabada xaflada lagu soo dhawaynayo gudi isku soo dubarida loo saaray ay socoto dhawaana la qaban doono.

Garabkan isbadaldoonka udub oo uu hor kacayo nujaahid Cabadilaahi Xuseen (dirawal) ayaa maalmahan u danbeeyey shirar xawli ah ay u socdeen iyaga iyo hogaanka xisbiga kulmiye, taas oo ay isla meel dhigeen in siyaasada xukuumadda riyaale ay dhinac uga soo wada jeedaan isla markaana u midoobaan arimaha siyaasadeed ee dalka ayaa garabka isbadal doonka udub oo uu hogaaminayo Mujaahid Cabdilaahi darawal iyo xubnaha ay ka midka yihiin Axmed Xasan Faarax (Sandoon) Maxamed Odawaa iyo xubno kale oo farabadan ayaa la filayaa in dhawaan ay si rasmiya uga shanqadhiyaan in ay ku biirayaan xisbiga mucaaridka ah ee kulmiye taas oo maalmahanba laga dareemayey dhaqdhaqaaqa labada dhinac uga socda hargeisa,ayaa garabka isbadaldoonka udub oo ay taagersanyihiin dadwayne aad u farabadan oo reer Somaliland ahi ay isugu luga duwandoonaan xisbiga mucaaridka ah ee kulmiye.

Xigasho/ Haatufnews

Comments are closed.