Axmed Siilaanyo Oo Ku Eedeeyey Rayaale Dilkii Taliyahii Qabta 12-aad

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo Oo Ku Eedeeyey Xukuumadda Rayaale Dilkii Taliyahii Qabta 12-aad Ee Ciidanka Qarranka Somaliland

Hargeysa (Golisnews.com)– Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo maanta shir jaraa’id ku qabanaayey xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa ku eedeeyey xukuumadda Madaxweyne Rayaale inay ka danbaysay dilkii loo gaystay taliyahii qaybta 12-aad ee ciidanka qarranka Somaliland Marxuum Cismaan Yuusuf.

Guddoomiye Axmed Siilaanyo wuxuu sheegay in ay xukuumaddu damacsantahay in dilkaasi loo gaystay taliyaha la dambabaso isagoo si toos ahna ugu eedeeyey Guddoomiye Axmed Siilaanyo arrintaasi mu’aamarad uu maleegay Madaxweyne Rayaale “waxaa aad ogaydeen in la dilay alla ha u naxariistee taliyahii qaybta 12-aad ee ciidanka qarranka, waxaa jirta in guddi loo xil saaray baadhitaan ku samaysa dilka loo gaystay taliye cismaan, balse ayaan darradu waxay tahay in ay caddahay oo ay ku caddahay in xukuumadda jirta ay maleegtay mu’aamaraadka lagu dilay alla ha u naxariistee Taliyahu, waa waxaan loo dul qaadan karin, waa ayaan darro ah, waa fal fool xun oo runtii muujinaya heerka cadaawadda ah ee Rayaale wado” ayuu yidhi Mudane Axmed Siilaanyo

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye wuxuu sheegay in ay xukuumaddu waddo qorshe ah inay baab’iso guddidii loo xil saaray arrinta baadhitaanka dilka taliyaha ciidankii 12-aad ee ciidamadda qarranka Somaliland “waxyaabaha aanu hayno waxaa daliil u ah in Daahir Rayaale iyo wasiiro ka tirsan xukuumadiisu ay doonayaan inay burburiyaan guddidii loo xil saaray baadhitaanka arrintaasi”

Axmed Siilaanyo wuxuu soo dhaweeyey baaqii dhawaan ka soo baxay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Yaasiin ee ahaa in cid kasta oo ka danbaysay dilka taliyaha la soo taago cadaaladda “arrinta madaxweyne ku xigeenku ka dhawaajiyey ee ahayd in baadhitaan lagu sameeyo oo ciddii falkaasi ka danbaysay cadaaladda la hor keeno aad ayaanu xisbi ahaan usoo dhawaynaa, waxaanu leenahay yaan la dambabasin ee ha la siiyo guddida kalsooni iyo madax banaani buuxda” ayuu yidhi siilaanyo.

Guddoomiye Axmed Siilaanyo wuxuu ku eedeeyey Xukuumadda Rayaale inay falkani dilka ah ee ay fulisay uga dan leedahay sidii dalka uu khal khal uga dhici laha doorashaduna dib ugu dhici lahayd isla markaana Madaxweyne Rayaale xilka loogu kordhin lahaa “arrintani way caddahay oo waxay u caddahay ujeedada laga lahaa waxay ahayd in uun khal khal waddanka lagu geliyo oo doorashooyiinkii dib loo dhigaayey qayb ay ka ahayd, imikana waxay xukuumaddu wadda falkani kuwa kale oo la mid ah” ayuu yidhi Mudane siilaanyo.

Xigasho/Golisnews Desk.
Hargeysa Office

Comments are closed.