Xisbiga Kulmiye Oo Tacsiyad U Diraya Ehelkii Wasiirka Geeriyooday

Dhamaan madaxda xisbiga Kulmiye gude iyo dibadba waxay tacsiyad u dirayaan ALLAH ha u naxariistee geerida deg deg ah ee ku timid marxum Siciid Maxamed Nuur, ILLAAHAYNA waxayna uga baryayaan inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo ehelkiisina samir iyo iimaan ka wada siiyo. Aamiin.
Hargeysa (Jam)- Madaxda Somaliland, ayaa ka qaybgalay aaska wasiirul-dawlihii arrimaha dibedda marxuum Siciid Maxamed Nuur oo shalay si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Naaso Hablood oo ku yaal dhinaca bari ee caasimadda Hargeysa.
Marxuum Siciid Maxamed Nuur oo xannuun kedis ah oo dhinaca wadnaha ah habeenkii Arbacada u geeriyooday, waxa aaskiisa ka qaybgalay madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), madaxda sare ee xisbiga UCID, Shirguddoonnada Guurtida iyo Wakiillada, wasiiro ka tirsan xukuumadda, culimaa’udiin, madax-dhaqameedyo, ehelada marxuumka iyo dadweyne aad u badan.
Marxuum Siciid Maxamed Nuur ka hor intii aan la aasin salaaddii janaasadda lagu tukaday masjidka weyn ee Markiska, iyadoo masuuliyiinta iyo dadweynaha ka qaybgalay aaska ay shucuurtooda ka muuqatay siday uga xun yihiin geerida ku timi marxuumka oo ka mid ahaa saarakiishii uruka SNM ee dalka xorreeyey, balse rumaysan in geeridu xaq tahay oo qofna aanu dunida baaqi ku ahaanayn.
Madaxda ka kala tirsan mucaaridka iyo muxaafidba ee aaskaasa ka qaybgalay, ayaa si qoto dheer uga sheekeeyey taariikh nololeedkii marxuunka, iyaga oo caddeeyey inuu kaalin wax-ku-ool ah ku lahaa halgankii dib-u-xoreynta Somaliland.
Masuuliyiintii mucaaridka ee jinaasadda aaska ka hadlay, ayaa tilmaamamay in marxuumku ahaa shakhsi aad u afgaaban oo sharaf iyo qadarin ka mudan ka mucaarid ahaan, iyagoo Ilaahay uga baryey inuu jannadiisa Fardawsa ka waraabiyo.
Xigasho/ Jamhuriya