Magceenni daboolla Kulmiyaa daaha ka qaaday Ictiraafka dalkeennana Kulmiyaa si diyaarshay
Kulmiyaa dunidoo dhan dareenkeenna u sheegay.
Kuwa diiddan dalkeenna U diyaara xumaanta
Inaynnaan u dulqaadan Kulmiyaa la diyaaar ah
*Kulmiyaa dumarkeennii siiyay Doorka Siyaasi
Xaqoodii u diyaarshay In distoorka la raaco.
*Doorashooyin Xalaal ah Dimuqraadiyad toosan
Iyo dawlad wanaagsan Kulmiyaa la diyaara
*Xaakim doodda dhagaysta Dadka aan kala raacin
Dar ILLAAH u shaqeeya Kulmiyaa la diyaar ah
*Dibloomaasi aqoon leh Halyay aad u dulqaad leh
Madax daacada maanta Kulmiyaa la diyaar ah.
*Dakhligeena Cashuurta dawlad aan dayacaynin
Dalkeennii ku dhisaysa Kulmiyaa la diyaara
*Tacliinta oon laga daalin dalkeenii wada gaadha
Dugsiyadii ay bataan Kulmiyaa la diyaara
*Dawlad aad u dadaasha dadka baadiye joogana
Baahidooda daboosha Kulmiyaa la diyara.
*Deegaankoo la Ilaasho dabar goyn laga dhowro
Dib loo beero dhirteennii Kulmiyaa la diyaar ah
*Dalagoo la abuuro baahidi la daboolo
Dhalintii la daryeelo Kulmiyaa la diyaara
*Naafadi dulmanayd Agoontii dayacnaydl
In daryeelka la siiyo Kulmiyaa la diyaara.
*Kulmiyoo dadku raaco Bulshadoo isku duubma
Dawlad loogu codeeyo Mid inoo dan ah weeye. |