Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Lagu Eedeeyey inuu ku Hawlan Yahay Qorshe Lagu Duminayo Suuqa Bacadlaha Gabiley

Gabiley (Jam/Gabileynews)- Guddida ganacsatada suuqa bacadlaha magaalada Gabiley, ayaa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ku eedeeyey inuu wado mashruuc suuqaas albaabada loogu laabayo.
Guddoomiyaha gudida ganacsatada bacadlaha Gabiley Mr. Cali Jaamac Rooble iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Faysal Xuseen Yey, Ibraahim Cabdillaahi Xagaa, Xalliimo Xirsi Cabdi iyo Shucayb Maxamed Muuse oo shalay shir-jaraa¡¦id ku qabtay magaladda Gabiley, ayaa wasiirka ku eedeeyey inuu daamacsan yahay suuqaas meesha lagaga rarayo, iyaga oo sheegay in qorshaha wasiirku ka dambeeyey kadib markii nin reer Gabiley ahi uu ku dooday in dhulka suuqu ku yaal ay tahay beer aabihii lahaan jiray.
Gudida ganacsatadu waxay shirkooda jaraa¡¦id ku yidhaahdeen; ¡§Goobtan waxa la na soo dajiyay sannadkii 1996-kii, taasi oo ay saddex maayar oo Gabiley ku soo kala horreeyay ku cadeeyeen in dhulkani yahay dhul danguud ah oo aanay sheegan karin cid gaar ahi, ninka maanta ku doodayaana uu joogay maalintaasi dhulka lana dajinayay, isaga oo meel bannaana dhulkaa ka qabsaday, markaa waxanu wasiirka leenahay waxa loogu doortay inaad mudada aad xilka wasiirnimada hayso dadka ugu shaqayso si daacadnimo leh oo aad ugu dhaaratay, laakiin laguuma saarin xilka inaad ku shaqaysatid oo aad dhulka danta guud ah u siiso shaqsiyaad lacag sita oo aan doonayn horrumarka wadanka iyo jiritaankiisaba.
Sacaadatu-wasiir, waxanu kaa codsanaynaa intaanad qaadan go¡¦aanka lagu rarayo shanta boqol ee meheradaha ganacsi ah ee suuqa ku yaal, waxaanu kuugu baaqaynaa marka hore inaad goobta timaado oo aad xaqiiqada meesha taalla ogaato, waxanu kugula talinaynaa inaad ka fiirsatid waraaqaha aad saxeexayso, iyada oo xaqiiqo badani kaa maqan tahay.
Wasiir, hadaanay adiga dan kuugu jirin baabiinta suuqaasi, waxaanu ku leenahay in ka badan kun qoys ayaa laga soo saaraa nolol maalmeedkooda ee hadii adiga ay taadu kuu bisishahay maalin walba ha moodin Axad.
Waxaan ka codsanaynaa dhammaan cidda ay khusayso arrintani in wax laga qabto oo hadii wasiirkii ay khusaysay uu waxba ka qaban kari waayay oo uu dhinac raacay in cidda ka sii saraysa ee arrintani khusaysaa wax ka qabato.
Waxaan saxaafadda u sheegaynaa in meheradaha suuqani ay u xidhnaayeen in ka badan laba cisho sababo la xidhiidha dhinaca amniga, arrintaana waxa masuul ka ah wasiirka arrimaha gudaha, waxaana taa sabab u ah markii uu shaqsi u soo sexeexay in dhulkaasi looga rarro suuqaa dhan ee 20 sanno jiray ee badhtamaha magaalada ku yaala.
Waxa kale oo aan halkan idiinku cadaynaynaa in labaatankaa sanadood cashuurta lanaga qaadayay, anaga oo hayna waraaqihii cashuurta nalagaga qaadayey iyo kuwii maayiradii Gabiley soo maray ay ku caddeeyeen in dhulka suuqu ku yaal uu yahay dhul danguud ah oo aanay cidi sheegan karin.
Waxaan mar labaad iyo mar seddexaadba Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdillaahi Cirro, inuu arrinta bacadlayaasha in badan ka fiirsado isla markaana goobta yimaado oo dadka dagan oo ay baabiinta goobtaasi taabanayso.¡¨
Xigasho/Jamhuuriya Online