“INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN”

RABBI naxariistii janat al fardowsa ha ka waraabiyee waxa maanta geeriyooday Wakiilkii Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiyay Magaaladda Paris ee Caasimadda dalka Faransiiska Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), oo baryahanba halkaas ku xanuunsanayey.
Wararka ka imanaya Magaaladda Paris, ayaa sheegaya in ILLAAHAY ha u naxariistee marxuumku uu maanta Duhurkii ku geeryooday cisbitaal ku yaal magaalada Paris. AllAAH ha u naxariistee Marxuumku bilihii u dambeeyay-ba waxa hayay xanuun hoos u dhigay dhaqdhaqaaqiisa, ilaa iyo maantadan oo uu geeryoonayay.
Marxuum Fagadhe iyo Taariikhnololeedkiisii waxaanu idiinku soo gudbin doonaa maalmaha soo socda, haddii EEBBE ogalaado.
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, golaha fulinta ee xisbiga iyo dhamaan taageerayaasha xisbigu waxay tacsi u dirayaan qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo guud ahaanba shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuuku. Waxaanannu Illaahay marxuumka uga baryaynaa inuu Naxariistii Jannadii Fardowsa ka waraabiyo Samir iyo Iimaanna ka siiyo qoyskii iyo guud ahaanba Qaranka Somaliland ee uu ka baxay
Aamiin,Aamiin.