Warsaxaafaded Ka Soo Baxay Xafiiska Xoghayaha Guud Ee Xisbiga
War saxaafadeed /01/010
31, Dec 2009, Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo wuxuu la kulmay Mr. John Marshal oo ah Ku-Xigeenka Saafiirka ingiriiska u fadhiya Addis- Ababa iyo Matt woods oo ah second Secretary-ga iyagoo kawada hadlay degganaanshaha, nabad kuwada noolaanshaha dawaladaha Geeska Africa., geeddi socodka dimoqraadiyadda.
Dhinaca kale waxay kawada hadleen doorashooyinka somaliland iyo siday uga go’antahay Dawladda Ingiriiska qabsoomidda doorasho ee la filaayo inay dhacdo horraanta sannadka 2010. Kulankaasi wuxuu ku dhacay jawi fiican iyo is-faham.
Sidoo kale, waxaa 01 January 2010 Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Siilaanyo uu kulan qado sharafeeda la yeeshay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Itoobiya Mudane Tekede Allamu iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaraddaasi. Kulankaasi oo ay kaga wada hadleen xaaladaha ka taagan mandaqadda Geeska Afrika iyo siday Bulshada caalamku diyaar ugu tahay degenaanshaha, xasilloonida iyo nabad kuwada noolaanshaha dawladaha mandaqadda.
Sidoo kale, waxay ka wada hadleen xidhiidhka iyo cilaaqaadka wanaagsan ee labada dal Somaliland iyo Itoobiya, iyo sidii loo sii adkayn lahaa geedi socodka nabada iyo horumarka Somliland iyo qabsoomidda doorashooyinka soo socda. Taasi oo uu Guddoomiyaha Kulmiye Axmed Maxamed uu uga mahadanaqay soo dhawaynta kulankaa sharafta leh ee dawladda itoobiya ku qaabishay.
Waxaana la filayaa inuu sii wato kulamadiisa shaqo maalmaha soo socda, isagoo uga sii gudbi doona safarkiisii shaqo ee uu ku tagayo dalka Maraykanka maalinta Khamiista ee bisha January tahay 07 January 2010.
Allaa Mahad leh
Md. Keyse Xasan Cige
Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE