Tacsi Ka Socota Ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga
Ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Md. Muse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaaya magaciisa, kan xubnaha Xisbiga iyo taageeraashaba, waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii ay baxdayMarxuumad Faadumo Sheekh Maxamed Jirde, oo ku geeriyootay cariga ingiriiska.
Guddoomiyuhu waxa uu ilaahay uga baryayaa inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN
Md. Muse Biixi Cabdi
K/s Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga