Hogaanka Xisbiga Iyo Taageerayaasha Xisbiga Oo ka Qaybgalaya Aaska Marxuum Eng Cali Sheekh Maxamed (Eng Cali Jirdeh )
Xisbiga KULMIYE, ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo Dariiqada Diinta ee degmada Sheekh.
Xisbigu dhambaalkiisa tacsida oo laga soo saaray xarunta Dhexe ee xisbiga, waxa uu u qoray sidan: “Dhammaan xubnaha Xisbiga KULMIYE , Hoggaanka sare ee Xisbiga, Golihiisa dhexe, Guddigiisa Fulinta , iyo taageerayaasha Xisbiga ee gudaha iyo Dibedaba, waxay tacsi u dirayaan dhammaan shacbiweynaha reer Somaliland , geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Cali Sh. Maxamed Jirde , oo xalay 08.10.2008, ku geeriyooday magaalada Hargeisa, marxuumka oo ahaa Gudoomiyihii Hay’adda Bisha Cas ee Somaliland, gaar ahaana waxay tacsidaasi gaadhsiinayaan qoyskii , eheladii, iyo Dariiqada Diinta Islaamka ee uu ka baxay Marxuum Cali Sh. Maxamed Jirde.
Waxaana marxuumka Ilaahay ay uga baryayaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo, dhammaanteena Samir iyo iimaan inaga siiyo. Aamiin, aamiin INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN.”
Guddoomiyaha Xisbigu KULMIYE iyo xubno door ah oo ka tirsan xisbigaas ayaa ka qaybgelaya Aaska Marxuumka.
Alle ha u naxariistee, Inj. Cali Jirde waxa uu ku dhashay degmada Sheekh sannadkii 1916kii, wuxuuna ka mid noqday ardaydii u horreysey ee ka aflaxdey dugsiga Sheekh wakhtigii Ingiriisku uu xukumayey Somaliland, kadibna waxa waxbarasho loo geeyey dalka Ingiriiska, halkaas oo uu ku soo bartay cilmiga dhismaha, wuxuuna noqday Injineerkii ugu horreeyey ee Soomaaliyi yeelato.
Alle ha u naxariistee, Marxuum Cali Jirde cilmigii Injineernimada ee soo bartay waxa uu kula soo noqday dalka, wuxuuna fuliyey dhismayaal badan oo ah kuwa adeegga guud sida Cusbitaallo, iskuullo iyo xafiisyada dowladda wakhtigii Ingiriisku xukumayey Somaliland, kuwaas oo qaarkood ilaa iyo hadda la isticmaalo. Sidoo kale, waxa uu dhisay waddooyinkii ugu horreeyey ee laami ah ee magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa laga sameeyo, waxaana ka mid ah waddada Shacabka Hargeysa, taas oo uu dhismaheeda ka soo bilaabay Madaarka Hargeysa ilaa gurigii la odhan jirey State House-ka.
Markii Somaliland xorriyadeeda qaadatay ee ay la midowdey Soomaaliyadii Talyaanigu gumeysan jirey waxa sii waday inuu ku sii shaqeeyo aqoontiisa Injineernimo, isaga oo ahaa Injineerka keliya ee Soomaaliyaba leedahay, wuxuuna dowladdii Soomaaliya ka qabtay xilal iyo shaqooyin kala duwan.
Laga soo bilaabo 1995, marxuumku wuxuu ahaa Guddoomiyaha ururka Bisha Cas ee Somaliland, taas oo uu wax badan ka qabtay. Waxa kale oo uu hayey xil diblomaasiyadeed, isaga oo ahaa Wakiil-sharafeed waddamada Iskandaneefiyanka (Scandinavian) u fadhiya Somaliland.
Alle ha u naxariisto Cali Jirde, qoyskii uu ka baxay iyo shacbiga Somalilandna Samir iyo Iimaan ha ka siiyo. Innaa Lillaah wa Innaa Illeyhi Raajicuun.