Cismaan Saxardiid Cadaani Oo Loo Magacaabay Xidhiidhiyaha Laamaha Xisbiga KULMIYE ee Qurbajoogga

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND

DSC_0154 by you.

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND

KULMIYE

Ref: XK/XAD/0029/2010

Date: 20/01/2010

KU: Md. Cismaan Saxardiid

Og: Hoggaanka Xisbiga KULMIYE

Ujeedo: Magacaabis Xil

Xisbiga KULMIYE markuu arkay muhimadda hawlgallada taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee ku dhaqan qurbahu ay u leedahay horumarinta hawlaha qaran ee xisbiga, tixgalinna siiyay baahida loo qabo in la xidhiidhiyo lana kobciyo laamaha xisbiga ee jaaliyadaha qurbaha, dhagaystayna talooyin ay soo jeediyeen masuliyiinta laamaha xisbiga ee qurbuha, wuxuu u  magacaabay Cismaan Saxardiid inuu noqdo Xidhiidhiyaha Laamaha Xisbiga KULMIYE ee Qurbajoogga.

Musuuliyadda Xidhiidhiyaha laamaha xisbiga ee qurbojooggo waa isku xidhka(coordination)laamaha xisbiga ee jaaliyaha qurbaha si hawlgalladoodu ay u noqdaan kuwa kaaba hawlaha qaran ee xisbiga ee gudaha ka socda, waxaanu xidhiidhiyuhu hoos imanayaa Xafiiska Arrimaha Dibadda ee xisbiga KULMIYE.

Waxaa la farayaa guddiyada laamaha xisbiga ee qurbojooggu inay ku xidhmaan  Xidhiidhiyaha una fududeeyaan gudashada mas’uuliyadda xisbi oo loo magacaabay.

Guul iyo Gobonimo

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar

Comments are closed.