Md Muse Biixe Cabdi Oo Jawaab U Qalanta Hadalkii Riyale Kaga Jawaabay
(kulmiye.org) Thursday, January 21, 2010
![]() |
| Guddoomiye Ku-xigeenka Koobad Ee Xisbiga Kulmiye, Muj: Musee Biixi Cabdi |
-Ku simaha guddoomiyaha KULMIYE ahna guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag u naqdiyay khudbadii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Salaasadii doraad ka jeediyay aqalka Madaxtooyada, waxaanu ku tilmaamay mid aan lahayn meeqaamkii hoggaamiye Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen dhawr iyo toban sanno soo ahaa uu jeedin lahaa.
Md. Muuse Biixi, oo uu Wargeyska Geeska Afrika xalay la yeeshay waraysi gaar ah, waxa kale oo uu ka hadlay xadhiga ay xukuumadu la maagantahay Maxamed Xaashi oo ah siyaasi caan ah oo ka tirsan KULMIYE, rabshadihii ka dhacay Wajaale Salaasadii ee ka dhashay dilkii ay Bolisku u gaysteen dad shacab ah iyo arrimo kale.
Waraysigaas uu Wargeyska Geeska Afrika la yeeshay Mujaahid Muse Biixi Cabdi, waxa uu u dhacay sidan:
Guddoomiye, sidee ayay kuula muuqatay khudbadii uu Madaxweyne Rayaale saxaafada u jeediyay?
Khudbada Madaxwaynaha marka aanu qiimayno sida dadka badankiisu u arkeen waxay ahayd ama umay muuqan kursiga uu hayo iyo xilka uu hayo iyo khudbadiisu ismayn lahayn oo aad ayay u hoosaysay, 7 sanadood madaxwayne ayuu ku fadhiyay 5-na ku xigeen, dhowr iyo tobankaa sanadood umaddan waxa uu u qabtay oo barnaamij ah oo horumar ah oo caafimaad ah oo waxbarasho ah oo shaqo abuurid ah oo dhisme bulsho ah dhinacnaba kamuu soo qaadin, kaaga darane kumuu soo qaadin mustaqbalka oo laga yaabo inuu doonayo inuu hadana madax u noqdo wax uu u soo wado oo barnaamij ah oo danaha guud ee dadka ah kumuu soo qaadin, runtiina xilka uu hayaa waxay ahayd inuu taa ka hadlo. Khudbadaasi waxay ahayd baad moodaa nin mafrash fadhiya oo nin ay saaxiib yihiin oo ay kala xisbi yihiin la doodaya, oo meel gaaban wax ka eegaya.
Waxa uu Madaxweyne Rayaale, khudbadiisan aynu ka hadlayno uu shaki ku geliyay amminsanaanta guddoomiyihiina Axmed-Siilaanyo ee qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland. Arrintaas maxaa xisbi ahaan kaga jawaabaysaan?
Arintaa waxa aan ka leeyahay layligu waxa uu ka didaa biyaha kashkiisa ku jira, dalka haddii cid looga baqayo ama cid hore u soo hagardaamaysay isagu kow ayuu ka yahay, waxa la yaable oo ayaan daraba ah umaddana karaamo jab ku ah gidigeedaba in dadka birimagaydada ah ee dalkan naf iyo maalba u soo huray inay Somaliland dhisanto ay la murmaan ama dhaleeceeyaan kuwii dalka dibindaabyada iyo dabinada u gaystay, addana wixiinii boobaya. Markaas u malayn hadalka uu Axmed Siilaanyo ku yidhi inuu yahay hadal umaddan joogtaa garowsan karayso, waana meel ka dhac iyo sharaf dhac uu u gaystay guud ahaan umadda, oo uu hormudkeedii iyo dadkii talada ku lahaa mar walba qaar uu caayayo, shalay wuxuu lahaa hala soo xidho Maxamed Xaashi, waxaanu hore u xidhay Ina Xaashi, Dr Maxamed Cabdi Gaboose, iyo Jamaal Caydiid macnaha sida loogu dul qaadanayo iyo sida wax loo danaynayo iyo sida uu u dhaqmayaa isma laha, dadkuna waxay yidhaahdaan mar haddii aanad xishoonayn waxna aanad garanayn waxaad doontaaba waa kuu mubaax ee iska samee, markaa maanta halkaa ayuu taagan tahay isagu (Madaxwayne Rayaale).
Waxa Arbacadii ka dhacay Wajaale, mudaharaad rabshado watay oo lagaga gadooday dil ay ciidamada ammaanku u gaysteen dad shacab ah. Arrintaas sideed u aragtaa?
Ta Wajaale aan ku horeeyee , inamada booliska ah waxay ahayd in la baro waxa waajibkooda ah, oo dawladuna siyaasi ahaan ugu shaqayso in dadka la ilaaliyo oo nabadgalyada aanay iyagu biinin. Booliska waxay ahayd in la baro in qofka xabada lagu ridi karo oo kaliya mar daruuri ah oo sharci loogu sheego, laakiin waxa muuqata qoladan meesha maanta haysata ee Ina Rayaale guddoomiye u yahay inay yihiin niman lagu soo tababaray dadka inay laayaan oo bah-dilaan oo waa ragii Afwayne u adeegsan jiray, …….maantana Wajaale ayaa laga keenay laba, maalintii mudaharaadka golayaashana laba mayd ah ayaa laga qaaday, xaafada Axmed dhagax maalin ay mudaharaadayna laba mayd ah ayaa laga qaaday, maalintii riiga lagu mudaharaadayna laba mayd ah ayaa laga qaaday, tii ka horeysay ee qoladii Wasaarada Hawlaha guud ay guryaha isku haysteena laba mayd ah ayaa laga qaaday, laba laba inta ay u dileen Boolisku ayaa intaas ah, inta mid mid loo dilayna intaa saddex goor ayay ku soo laabantaa, waxa kuu muuqata in aanay dawladu dadka danaynayn, waayo markii horeba waxay ahaayeen hay’adihii nacabka umadda ahaa ee u tababarnaa, imikana waxay madax u noqdeen umaddii ay sidaa u layn jireen, marka ay laayaana waxa ay odhanayaan Wasaarada daakhiliga ayaa shan kun oo mag ah ku siinaysa, intuu laayo ayuu odhanayaa cashuurtoodiina mag halagu siiyo, markaa arintaasi arin la qaadan karo maaha, carruurta booliska ah ee aan tababarka lahayn eeda ma laha, kow Rayaale, Wasiirka Daakhiliga iyo taliyaha ciidankaa leh.
Waxa ay hay’ada CID-du qoraal yeedhmo ah u dirtay Eng. Maxamed Xaashi oo ka tirsan xisbiga aad hoggaankiisa hayso. Maxaad iyadana ka odhanaysaa?
Maxamed Xaashi wixiisu waxay ka mid tahay eedaha qaranka laga galayo ama waxyaalaha dadkii dalka milgaha iyo maamuska ka mudnaa ee in la sharfo ay ahayd ay qoladani (xukuumada Madaxwayne Rayaale) ay u arkeen cadowgooda, qolada meesha imika haysataa iyagu ma iloobin wixii dadka ka dhexeeyay iyo inay ahaayeen dambiilayaashii, markaa dadkii dalkani u baahnaa inay bahdilaan ayay doonayaan
Waraaqda Maxamed Xaashi loo keenay waan maqlayay oo la leeyahay CID-da kaalay, Maxamed Xaashi tuug maaha, haddii Maxamed Xaashi uu qaranka dambi ka galayo nidaam loo soo maro ayuu leeyahay oo Maxkamada ayaa la soo marayaa oo waaran baa la soo goyn, oo kiiskii ayaa la ogaan doonaa, laakiin iyada oo aan halkaa la marin shalay baa la xidhay isaga Dr Gaboose iyo Jamaal Caydiid, dabadeedna la yidhi danteena aynu ka raacno oo wadanka aynu dhowrno. Markaa nimankani niman caqli leh oo waxa la xeerinayo iyo sida loo dhowrayo wax u dhowrsanaya maaha, markaa ta Maxamed Xaashi waxay qiimo jab iyo laf jab ku tahay umadda, oo umadda ayuu dhafoor taabanayaa ina Rayaale, ama Maxamed Xaashi ha xidho ama mid kale ha xidho, waa dhafoor taabasho.
Source/ Wargeyska Geeska Africa
