Daahir Riyaale Inaan Xigmadi Ka Soo Baxayn Horaa Loo Ogaa

Horaa loo yidhi hadaad aqal quraarada ku jirto waar cidna ha shiidin oo dee dhagax ha tuur tuurin.   Dahir Riyaale Kaahin ayaa horta sidaa ka dhigan oo shiid bilaabaya isaga oo aqal qaruurada ku jira ! Riyaale hogaamintiisii shacabkii Somaliland wuu ku dhex fashilmay, cid kastaana way ogaatay. Dadka EBBE abuurtayna qofba wax buu ku wanaagsanyahay, Riyaalena ILLAAHAY hortiise aamusnaanta iyo inaan laga hadlin ayuu ku wanaagsanyahy.

Madaxtooyada Somaliland Dahir Riyaale wuxuu ku soo jiray 12 sanadood oo gow ah. Shan wuxuu u ahaa madaxweyne ku xigeen marxuum Maxamed xaji Ibrahim Cigaal, todobana madaxweyne ayuu dalkan ka ahaa.  wuxuu se illa iyo maanta baran kari la’yahay   habsamidi iyo dhaqankii siyaasada lagu yaqaanay,marka laga yimaado in lagala xisaabtamo 12 kaa sanadood wuxu dalkan u qabtay iyo wixii hagardaamo uu u gaystay.

Barigii hore wuxuu ku ladna, waabu  iska aamusnaa mar uu u odhan jiray Siilaanyaa i caayaya  aniguna licence baan u siiyay inuu i caayo laakiin imika wuxuu ku darsaday oo afkiisa laga hayaa hadii fashilaadayda, tamar la’aantayda iyo fadhiidnimada xukuumadayda wax laga sheego Somaliland baa wax laga sheegay ee arimahaas yaan laga hadlin, hana i sheeg sheegina.

Todoba sanadood waxaad dalkan kaga fashilantay hadaba Dahiirow ood qaban kari wayday adiga iyo xukuumadaaduba daacad daro iyo tamar daroba, ayaa Md Siilaanyo iyo xisbigii Kulmiye ay ku qaadatay todoba maalmood oo qudha inay ku qabtaan sarena u qaadaan sumcadii Somaliland ee aad la seexatay.  Md Axmed Siilaanyo iyo xisbiga Kulmiye waxay Maanta guul ka sidaan bulshadii caalamku in ay dalkan aqoonsanayaan diyaarna u yihiin hadaad xaq dhowrto geedi socodki dimuqraadiyada dalkana ay doorasho xor ah oo xalaal ah ay ka arkaan, hadaba Dahirow guuli kaa dheer marka xor iyo xalaal la soo hadal qaado ee ha ka riyoon sidii hore. Daahirow doorkanna la isu soo dhigay oo indhihii Calamka iyo dawladii Maraykanba markan waxay u soo jeestay inay wax la qabato Jamhuuriyada Somaliland ee aad la hadhay. Horaa loo yidhi nin daad qaaday xumbo cuskay, Alaylee adigaa xumbo cuskaday.

Hadal badan Daahir Riyaale la odhan maayo oo waano dhalan baa ka adag  waxaanse Dahir Riyaale su’aali lahaa 1991 iyo wixii ka horeeyay xagaad joogtay? Bal hada hadaba ka sheekee oo ka jawaab safarkii 1991 aad kaga ambabaxday magaalada Berbera ee aad  magaalada Laascaanood ku tagtay ma dalxiis buu ahaa mise fagax buu ahaa ? Axmed Siilaanyo lagaa difaaci maayo Dahirow waayo dadka ka horba, ciidda iyo dhirtaa taqaan oo markhaati ula soo taagan.  Xamar oo dhisan ayuu duurka inuu galo ka doortay, Xamar oo ololaysa malaa adigaa Dahirow lagaa ha hayaa.  Xukuumadaadu waxay ka wada kooban tahay hadhaagii lagaga yimid Muqdisho, adigaa Cabdillahi Yusuf adisababa kula shiray, adigaa  Shariifka Xamar Jabouti kula shiray adigaana Cade Muse Yeman kula shiray.  Hadaba Dahir intaanad Dahirow ugu yeedhin ayuu Dahirow ku yidhaa !

adigana waynu is ognahay tariikhdaadii hore ee ka  daa yaan lagugu soo faqin waxaanad raali ka noqon donin

Barkhad Axmed Ismaciil

Fairfax, Virginia

USA

Comments are closed.