Qurba jooga Xisbiga Kulmiye Oo Cambaaraynaya Falalkii Argagixiso Ee Arbacadi Ka Dhacay Magaalada Hargeysa, Waxayna Tacsi U Dirayaan Xukuumada Iyo Shacabka Reer Somaliland
Dhamaan tageerayaasha xisbiga kulmiye ee qurba jooga ah waxay cambaraynayaan weerarkii qaraxyada argagixisada ahaa ee lala beegsaday dadka aan waxba galabsan, waxayna tacsi u dirayaan dhamaan qaraabadii iyo eheladdii ay ka geeriyoodeen dadkii weerarka qaraxyadda ahaa ku naf waay iyo kuwii ku dhaawacmay goobahaas oo kala ahaa: Qasrigga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland ,Xafiis ganacsiyeedka dalka itoobiya iyo xafiiska hay‘ada UNDP ee Qaranimada Midowday
Waxaanu EBBE uga baryaynaa inuu intaa ku nafwawayday janadii Fardowsa ka waraabiyo qaraabadii eheladii marxuumiintana iyo shacabka reer Somalilandna samir iyo iimaan oo EBBE inaga wada siiyo, inta inaga dhaawacmayna ILLAAHAY waxaynu uga baryeyna cafimaad dag dag ah inay helaan .
Weerarkaasina wuxuu ah weerar lagu so qaaday Qaranimada , nabada , gobanimada,xasiloonida iyo geedi socoda dimuqradiyada iyo horamarka ay Somaliland hiigsanayso waqtiga dhaw iyo midka fogba
Waxaanu ku boorinayna dadka reer Somaliland dhamaan axsaabta mucaaridka iyo muxaafidka iyo xukumad iyo shacabiba in ay Somaliland gaadhi doonto waxay hiigsanayso oo ah ictiraaf qaranimo buuxdah iyo horamar dhaqan dhaqaale iyo aqoon bulshanimo oo aayatiin leh
Waxaanu sido kale xasusinaynaa dhamaan dadka reer Somaliland in dhacdadan argagaxiso nimo aanay waxaba yeelikarin yoolka iyo himilada ay Somaliland hiigsanayso waqtiga dhaw iyo midka fog
Gabagabadii waxay dhacdadan maanta dhacday tahay baraarujin ah in xuduudaha la adkeeyo, dadka dalka soo galayana la ogaado. Waxaanu soo jeedinaynaa in marka hore aynu isku wada duubnaano xukuumad iyo shicibba, mucaarid iyo muxaafidba waa in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka cadowga dalka iyo argagixisada caalamiga ahba. Mar kastaba, Xisbiga Kulmiye waxaa uu wax kasta ka hormarinayaa u horaysana kow qaranimada Somaliland mar labaadna qaranimada Soamaliland mar sedexaadna isku duubnida iyo difaaca dalka. Waxaanu faraynaa xukumada iyo shacabka reer Somaliland inaan siyaasadi jirin hadaan qarannimo jirin sidaa darteed waa in meel adag la iska wad taagaa argagixisada khalkhalka galinaya nabadgalyadeena, kuna soo dhuumanaya magaalooyinka dalkeena hooyo, waxaa muhiim ah in wax la hubsado oo aan la dagdagin, dadka qaxootiga ah ee aan waxba gaysanna aan loo dhibaatayn falal bani aadamnimada ka baxsan.
Alla weyn ninkii aamina awoodleh
Guul Somaliland , Guul Diwaangalinta iyo Guul doorashada sosocota
Waa Bilahi Tawfiiq