Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Hambliyeeyay Ciidanka Qaranka Somaliland

http://hiildan.files.wordpress.com/2009/03/399856951_c50de2d27e_o.jpg


Ciidaanka Qaranka Somaliland Oo Bila Darajo Ku Soo Gaadhay Sanadkii 16 aad Tamar darada Daahir Riyaale Awgeed.

Kulmiye.org:- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE  Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dad gaadhaya illa 950  qof oo isugu jiray Taageerayaasha KULMIYE, Ururada Bulshada, Hay´adaha Caalamiga ah qaarkood iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada rayidka ah, maanta uga waramay socdaal muddo bil ah qaatay oo uu ku soo maray dalalka Maraykanka iyo Itoobiya iyo waxyaabaha ay ka wadahadleen madaxdii uu la kulmay iyo waxyaabihii uga soo qabsoomay safarkiisa

Munaasibad ballaadhan oo maanta Xisbigu ku qabtay Huteel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa oo ay ka soo qaybgaleen illaa 950 oo qof, ayaa Md Axmed-Siilaanyo, waxa uu ka jeediyey hadal uu safarkiisaa kaga waramay, isla markaana waxa uu hambalyo u diray Ciidamada Qaranka Somaliland, sannad-guurada 16-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidankaas oo maanta ku beegnayd, isla markaana xus loogu sameeyey Taliska guud ee Ciidamada Qaranka ee Caasimadda Hargeysa. waxaanu Intaa ku daray Guddoomiyaha Kulmiye inuu ka xun yahay inaan Ciidamada maanta 16-jirsaday wax darajooyin ah aan weli la siini.

Guddoomiye Siilaanyo, waxa uu sheegay inay KULMIYE ahaan ku dedaalayaan sidii ay Ciidamada Qaranku u heli lahaayeen darajooyin, haddii ay taasi suuragali waydo oo ay Talada dalka ku guulaystaanna tallaabooyinka ugu horeeya ee ay qaadi doonaan ka mid yihiin samaynta darajooyinkaasi.

Musharaxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu sheegay in guud ahaan Masuuliyiintii uu kulamada la yeeshay intii uu ku guda jiray safarkiisa bisha qaatay uu ka dhaadhiciyey qaddiyada Somaliland, in Somaliland tahay dal ka madax-bannaan dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya, sidaa daraadeedna, loo baahan yahay inay dunidu si gaar ah u qiimayso Somaliland, oo xattaa caawimooyinka la bixiyo Somaliland gaarkeeda dawladnimo loo siiyo.

Waxa uu Siilaanyo intaa ku daray inuu dhinacyadaas kala hadlay, arrimo badan oo ay ka mid yihiin, sidii Somaliland looga caawin lahaa doorashooyinka, hirgelinta hannaanka dimuquraadiyadda, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, Caafimaadka, biyo-soo saarka iyo qodobbo kale.

Guddoomiye Axmed-Siilaanyo, mar uu ka hadlayay hadallo dhawaan ka soo yeedhay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo dhawr Wasiir ku sheegeen inaanu dalka soo gali karin Siilaanyo illaa uu cafis dawladda soo waydiisto, waxa uu sheegay inay dawladdu tahay dawlad wakhtiga u hadhay caalamka iyo dadka reer Somaliland-ba ogyihiin, isla markaana waxa uu ku ducaystay in Illaahay Dambaabidhadeeda ka duwo dalka iyo dadkaba.

Comments are closed.