Xoghayaha Arimaha Dibada Ee Xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdillahi Cumar Oo Socdaal Rasmi ah Ku Yimid Dalka Sweden
Stockholm, Arbaca 29/10/2008.
Waxa maanta booqasho shaqo ku yimid Sweden , xoghayaha arimaha dibedda ee xusbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumer, halkaas oo kaga qayb galayo shirweynaha caalamiga ah ee xisbiyada dimuqaraadiga ee qaarada yurub ee loo yaqaano ELDR. Shirkaas oo lagu casumay dalal badan oo aduunka ka mid ah. Kana dhici doonaa caasimada Stockholm ee dalka Sweden.


Xoghayaha waxa si diiran ugu soo dhaweeyay madaarka Arlanda ee Stockholm dadweyne farabadan oo ay hor kacayeen Gudoomiyaha KULMIYE ee Sweden Axmed Ibrahim Cabdi, Xoghayaha KULMIYE ee Sweden Cabdilqaadir M. Xarbi ” Catooshe ”, Gudoomiyaha KULMIYE ee Laanta Stockholm Xassan Suleiman Cabdi, Gudoomiyaha Dalada Jaaliyadaha Somaliland ee Sweden Sakariya Xassan Wacays, iyo Odayaasha Jaaliyada Stockholm oo ay ka mid ahaayeen Muj. Iidaan Cabdillaahi, Cabdillaahi Fidaar iyo Cabdillaahi Faraax Cabdi.

Source: TVsomalilandeurope